Tirintii 13:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 3:8 : 8 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
  • Bax 3:17 : 17 oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
  • Bax 13:5 : 5 Oo markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.
  • Yash 5:6 : 6 Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
  • Sharc 26:11-15 : 11 Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba. 12 ¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan. 13 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii. 14 Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan. 15 Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
  • Sharc 27:3 : 3 oo waxaad ku qortaan erayada sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.
  • Sharc 31:20 : 20 Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.
  • Yer 11:5 : 5 si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
  • Yer 32:22 : 22 Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,
  • Yex 20:6 : 6 waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,
  • Yex 20:15 : 15 Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,
  • Bax 33:3 : 3 U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.
  • Laaw 20:24 : 24 Laakiinse waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga.
  • Tir 14:8 : 8 Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.
  • Sharc 1:25-33 : 25 Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo. 26 ¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 27 Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan. 28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina. 30 Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar, 31 iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen. 32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
  • Sharc 6:3 : 3 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.
  • Sharc 11:9 : 9 iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
  • Sharc 26:9 : 9 oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 13:23-26
    4 aayado
    86%

    23Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.

    24Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.

    25Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.

    26¶ Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.

  • 84%

    22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

    23Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.

    24Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.

    25Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

  • Tir 14:7-8
    2 aayado
    81%

    7oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan.

    8Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan.

  • 9oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • Tir 13:17-21
    5 aayado
    78%

    17Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

    18Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,

    19iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,

    20iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.

    21Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

  • 22Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,

  • Tir 13:31-32
    2 aayado
    74%

    31Laakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.

    32Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.

  • 9iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • Tir 16:13-14
    2 aayado
    73%

    13Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?

    14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 28Habase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

  • 17oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 3oo waxaad ku qortaan erayada sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • Xaak 18:9-10
    2 aayado
    72%

    9Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, War kaca oo ina keena aynu ku duullee, waayo, waannu soo aragnay dalkii, oo aad buu u wanaagsan yahay. Miyaad iska aamusnaanaysaan? War ha ka caajisina inaad tagtaan oo aad dalka gashaan oo dhaxashaan.

    10Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.

  • 5Oo markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.

  • Tir 32:8-9
    2 aayado
    72%

    8Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.

    9Waayo, markay tageen dooxadii Eshkol oo ay dalkii arkeen ayay reer binu Israa'iil qalbi jebiyeen si ayan u gelin dalkii Rabbigu iyaga siiyey.

  • Sharc 8:7-8
    2 aayado
    71%

    7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

    8Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,

  • 25Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 28Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

  • 25Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.

  • 15Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 8oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 23Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.

  • 12Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

  • 11Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,

  • 20Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.