Tirintii 18:23
Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.
Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
24Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
1¶ Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.
2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
20Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.
21¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.
22Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane.
24Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka.
25Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin,
26laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.
1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.
2Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan.
3Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine.
4Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan.
5Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.
6Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.
7Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.
26Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.
18Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil oo dhan.
19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.
20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.
7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.
49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,
50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.
51Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.
8Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.
9Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.)
14Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
14Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.
15Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.
43Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.
32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.
7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.
22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.
31Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka.
32Oo idinku taas aawadeed dembi u qaadi maysaan, markaad sare uga qaaddaan inteeda ugu wanaagsan; oo waa inaydaan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
10Oo markay reer binu Israa'iil baadiyoobeen kuwii reer Laawi oo iga fogaaday, oo intay iga fogaadeen sanamyadoodii ka daba galay, waxay sidan doonaan xumaantooda.
5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
21Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.
18Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,
19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,
11Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.
28Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
9Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda.
48Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan.
11Oo meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.