Yashuuca 13:14
Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.
33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.
1¶ Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.
2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
8Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.
9Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.)
1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.
2Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.
3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.
4Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.
23Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.
24Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
20Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.
21¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.
47¶ Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.
48Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,
15¶ Oo Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen.
6Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.
28Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
27Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.
14Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.
15Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.
3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.
13Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,
14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.
9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.
19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.
33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.
9Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.
12Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
7Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.
9Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda.
13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.
13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.
5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
14laakiinse qurbaannadiinna la gubo waa inaad ku bixisaan meesha Rabbigu ka dhex dooranayo qabiilooyinkiinna middood, oo halkaas waa inaad ku wada yeeshaan waxaan idinku amrayo oo dhan.
4Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo.
7Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,
8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
12Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii,
55Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
41Oo canshuurtii ahayd Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado Muuse wuxuu siiyey wadaadkii Elecaasaar ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
11Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.
23Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.