Tirintii 18:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 3:10 : 10 Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
  • Tir 3:38 : 38 Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.
  • Tir 16:5-7 : 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa. 6 Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo, 7 oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.
  • Tir 16:40 : 40 inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.
  • Tir 18:4-5 : 4 Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan. 5 Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.
  • Tir 18:20 : 20 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.
  • 1 Sam 2:28 : 28 Oo miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?
  • Yoox 3:27 : 27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.
  • Room 15:15-16 : 15 Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed, 16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.
  • Ef 3:8 : 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
  • Cib 5:4 : 4 Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay.
  • Cib 9:3-6 : 3 Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada, 4 isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga; 5 dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin. 6 Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya.
  • Bax 29:9 : 9 Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.
  • Laaw 16:2 : 2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.
  • Laaw 16:12-14 : 12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa. 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane. 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.
  • Tir 1:51 : 51 Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 3:9-11
    3 aayado
    89%

    9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.

    10Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

    11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 18:1-6
    6 aayado
    84%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

    2Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan.

    3Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine.

    4Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan.

    5Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.

    6Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.

  • 38Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • Tir 18:8-9
    2 aayado
    79%

    8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed.

    9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • 19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 51Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • 10iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?

  • 13Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan.

  • 35Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.

  • 43Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

  • 41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 9Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.

  • 28Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah.

  • 30Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.

  • 4Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 74%

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

  • Tir 18:22-23
    2 aayado
    74%

    22Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane.

    23Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.

  • 9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 35Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.

  • 31Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

  • 10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

  • 15¶ Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddadii reer Laawi oo ah farcankii Saadooq oo adeegiddii meeshayda quduuska ah xajiyey markay reer binu Israa'iil iga baadiyoobeen, iyagu way ii soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan aawadeed, oo hortayday u soo istaagi doonaan inay baruurta iyo dhiigga ii soo bixiyaan.

  • 30Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 22Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

  • 40inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

  • 35¶ Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada,

  • Tir 18:19-20
    2 aayado
    73%

    19Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba.

    20Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.

  • 35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

  • 32Oo idinku taas aawadeed dembi u qaadi maysaan, markaad sare uga qaaddaan inteeda ugu wanaagsan; oo waa inaydaan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 11Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.

  • 7markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.

  • 2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

  • 13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,