Tirintii 24:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:19 : 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon,
  • Xaak 1:16 : 16 ¶ Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.
  • Ayuub 29:18 : 18 Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 24:22-23
    2 aayado
    82%

    22Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.

    23Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?

  • 20¶ Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.

  • 71%

    27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

    28Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.

  • 16Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.

  • 19reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon,

  • Bax 33:21-22
    2 aayado
    70%

    21Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,

    22oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo;

  • 6Markaasaa Saa'uul wuxuu reer Qeyn ku yidhi, Taga oo ka dhex baxa reer Camaaleq, yaanan idinku dhex baabbi'ine; waayo, markii ay reer binu Israa'iil oo dhammu Masar ka soo baxeen waad u wada roonaateen. Sidaas aawadeed reer Qeyn way ka dhex baxeen reer Camaaleq.

  • 11Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.

  • 26Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;

  • 16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

  • 6Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka, Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.

  • 28Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda.

  • 9Waayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa, Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa, Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan, Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.

  • Ayuub 28:7-9
    3 aayado
    67%

    7Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,

    8Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.

    9Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.

  • 13Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

  • 16¶ Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.

  • 16Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?

  • Coba 1:3-4
    2 aayado
    67%

    3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

    4In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.

  • 2Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh.

  • 9Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.

  • 29iyo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay,

  • 17Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.

  • 18Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.

  • 28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

  • 13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

  • 29Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.

  • 31Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.

  • 5Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!

  • 21Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.

  • 18Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa, Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.

  • 24Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.

  • 24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

  • 15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,

  • 23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.

  • 40Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?

  • 7Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira. Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.

  • 17¶ Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,

  • 27Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.

  • 9¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

  • 64%

    10Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,

    11Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro,

  • 18Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.