Tirintii 26:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 27:1 : 1 ¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
  • Tir 36:10-12 : 10 Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen, 11 waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood. 12 Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 17:3-4
    2 aayado
    94%

    3Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

    4Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.

  • Tir 27:1-2
    2 aayado
    92%

    1¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

    2Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,

  • Tir 36:10-12
    3 aayado
    85%

    10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,

    11waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.

    12Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

  • 32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

  • Tir 27:6-9
    4 aayado
    76%

    6Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    7Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.

    8Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.

    9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.

  • 15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

  • Tir 36:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil,

    2oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso.

    3Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga.

  • 6Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen.

  • 18Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.

  • 16Wiilashii Yehaleleelna waxay ahaayeen Siif iyo Siifaah, iyo Tiiryaa, iyo Asareel.

  • 71%

    21¶ Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish.

    22Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.

  • Tir 26:45-46
    2 aayado
    70%

    45Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.

    46Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.

  • 37Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

  • Tir 26:20-21
    2 aayado
    69%

    20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.

    21Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.

  • 69%

    30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

    31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

    32Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.

  • 1 Taar 4:6-7
    2 aayado
    69%

    6Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii.

    7Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan.

  • 6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • 15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,

  • 21Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.

  • 13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.

  • Bil 46:16-17
    2 aayado
    68%

    16Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.

    17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • Bil 46:11-12
    2 aayado
    68%

    11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

    12Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.

  • 34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

  • 14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

  • 1 Taar 4:2-3
    2 aayado
    68%

    2Oo Re'aayaah oo ahaa ina Shoobaalna wuxuu dhalay Yaaxad, Yaaxadna wuxuu dhalay Axuumay iyo Lahad. Kuwanu waa qolooyinkii reer Sorcaah.

    3Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii uu dhalay Ceetaam aabbihiis, oo waa Yesreceel, iyo Yishmaa, iyo Yidbaash, oo walaashood magaceedana waxaa la odhan jiray Haselelfoonii,

  • 36Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,

  • 1 Taar 2:4-5
    2 aayado
    67%

    4Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan.

    5Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.

  • 34Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.

  • 33Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.

  • 26¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.