Tirintii 3:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:9 : 9 Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan.
  • Bax 26:1-9 : 1 ¶ Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim. 2 Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan. 3 Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan. 4 Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad. 5 Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa. 6 Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa. 7 Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah. 8 Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan. 9 Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda. 10 Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa. 11 Oo waa inaad samaysaa konton qabsato oo naxaas ah, oo waa inaad qabsatooyinkana sudhaa siddooyinka, oo teendhadana isku xidh kulligeed si ay mid dhan u noqoto. 12 Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa. 13 Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan. 14 Oo teendhada waa inaad ded uga dhigtaa wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.
  • Bax 26:36-37 : 36 Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. 37 Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.
  • Bax 36:8-9 : 8 ¶ Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay. 9 Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen. 10 Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay. 11 Oo daahyada midkii darafta ugu xigay qarkiisa ayuu wuxuu u yeelay siddooyin buluug ah; oo sidaasoo kalena wuxuu u yeelay daahii dibadda ugu xigay intii labaad. 12 Konton siddo ayuu daahba u yeelay, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daaha dibadda u xiga ee intii labaad; oo siddooyinkuna midba mid buu ku toosnaa. 13 Oo wuxuu sameeyey konton qabsato oo dahab ah, oo daahyadiina wuxuu midba midka kale kula lammaaneeyey qabsatooyinkii; sidaasuu taambuuggu mid u noqday. 14 Markaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah. 15 Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo kow iyo tobanka daah isku wada qiyaas bay ahaayeen. 16 Markaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan. 17 Markaasuu qarkii daahii dibadda u xigay intii kowaad u yeelay konton siddo, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daahii dibadda u xigay intii labaad. 18 Oo haddana wuxuu sameeyey konton qabsato oo naxaas ah inuu teendhada iskula dhejiyo oo ay mid noqoto. 19 Oo teendhadana wuxuu ded uga sameeyey wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.
  • Bax 36:37-38 : 37 Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. 38 Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.
  • Bax 40:19 : 19 Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Bax 40:28 : 28 Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.
  • Tir 3:7 : 7 Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
  • Tir 4:24-28 : 24 Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba. 25 Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka, 26 iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan. 27 Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan. 28 Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.
  • Tir 7:7 : 7 Laba gaadhi iyo afar dibi wuxuu siiyey reer Gershoon, sidii hawshoodu ahayd.
  • Tir 10:17 : 17 Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.
  • 1 Taar 9:14-33 : 14 Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii, 15 iyo Baqbaqar, iyo Xeresh, iyo Gaalaal, iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sikrii, ina Aasaaf, 16 iyo Cobadyaah oo ahaa ina Shemacyaah, ina Gaalaal, ina Yeduutuun, iyo Berekyaah oo ahaa ina Aasaa, ina Elqaanaah, kaasoo degganaan jiray tuulooyinkii reer Netofaah. 17 Oo iridjoogayaashiina waxaa ka joogay Shalluum, iyo Caquub, iyo Talmon, iyo Axiiman, iyo walaalahood, oo waxaa iyaga madax u ahaa Shalluum, 18 oo ilaa maantadan la joogo boqorka iriddiisa xaggeeda bari joogi jiray, oo iyagu waxay iridjoogayaal u ahaayeen xeradii reer Laawi. 19 Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda. 20 Oo waagii hore waxaa iyaga madax u ahaan jiray Fiinexaas oo ahaa ina Elecaasaar, oo Rabbiguna isaga wuu la jiri jiray. 21 Oo Sekaryaah ina Meshelemyaahna wuxuu ahaan jiray iridjoogihii iridda teendhadii shirka. 22 Oo kulligood intaas loo doortay inay iridjoogayaal ahaadaan waxay dhammaantood ahaayeen laba boqol iyo laba iyo toban. Oo kuwaas abtiriskooda waxaa lagu tiriyey tuulooyinkoodii, kuwaasoo Daa'uud iyo Samuu'eel oo ahaa waxarkihii ay u doorteen shuqulkoodii lagu aaminay. 23 Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah. 24 Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba. 25 Oo walaalahoodii tuulooyinkooda joogayna had iyo goor toddobadii maalmoodba way u iman jireen inay iyaga la joogaan, 26 waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah. 27 Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan. 28 Oo iyaga qaarkoodna waxay u talin jireen weelasha lagu adeego, waayo, weelasha tiraa lagu soo gelin jiray, oo tiraa lagu bixin jiray. 29 Oo iyaga qaarkood kalena waxaa loo doortay inay u taliyaan alaabta guriga iyo weelasha meesha quduuska ah oo dhan, iyo burka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo fooxa, iyo uunsiga. 30 Oo wiilashii wadaaddada qaarkoodna waxay hagaajin jireen cadarkii uunsiga lahaa. 31 Oo Matityaah oo ka mid ahaa reer Laawi, oo ahaa curadkii Shalluum oo ahaa reer Qorax shuqulkiisii joogtada ahaa wuxuu ahaa inuu ilaaliyo waxyaalaha digsiyada lagu dubo. 32 Oo walaalahood qaarkood oo reer Qohaad ahaana waxay u talin jireen kibistii tusniinta, si ay sabti kasta u diyaariyaan. 33 Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.
  • 1 Taar 23:32 : 32 wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.
  • 1 Taar 26:21-22 : 21 Kuwii reer Lacdaan ee reer Gershoon oo uu lahaa Lacdaan, oo ahaa madaxdii reerahooda oo uu lahaa Lacdaan oo ahaa reer Gershoon, waxay ahaayeen Yexii'eelii, 22 iyo wiilashii Yexii'eelii oo ahaa Seetaam, iyo Yoo'eel oo walaalkiis ahaa, waxayna u talin jireen khasnadihii guriga Rabbiga.
  • 2 Taar 31:2 : 2 ¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.
  • 2 Taar 31:11-18 : 11 ¶ Markaasaa Xisqiyaah amray in guriga Rabbiga qolal laga diyaariyo, waana la diyaariyey. 12 Oo si aaminnimo ah ayaa loo soo keenay qurbaannadii, iyo meeltobnaadyadii, iyo alaabtii quduuska laga dhigay, oo waxaa iyaga u talin jiray Kaananyaah oo ahaa reer Laawi, oo walaalkiis Shimciina wuxuu ahaa kan labaad. 13 Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah. 14 Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan. 15 Oo isagana waxaa ka hooseeyey Ceeden, iyo Minyaamin, iyo Yeeshuuca, iyo Shemacyaah, iyo Amaryaah, iyo Shekaanyaah, oo joogay magaalooyinkii wadaaddada iyagoo kala haysta jagooyinkoodii lagu aaminay, inay walaalahood qayb u kala siiyaan siday kooxahoodu ahaayeen, kan ugu weyn iyo kan ugu yaru ayan waxba isdheeraysan, 16 oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen, 17 oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen, 18 iyo weliba kuwii abtiriskooda lagu tiriyey oo ahaa dhallaankoodii yaryaraa, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodiiba oo shirka oo dhan ku dhex jiray, waayo, iyagu jagadoodii lagu aaminay ayay quduus iskaga dhigeen.
  • Cesr 8:28-30 : 28 Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin. 29 Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem. 30 Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.
  • Mark 13:34 : 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.
  • Room 12:6-8 : 6 Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna. 7 Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro; 8 kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.
  • Kol 4:17 : 17 Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.
  • 1 Tim 1:18 : 18 ¶ Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 4:24-28
    5 aayado
    82%

    24Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba.

    25Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka,

    26iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.

    27Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan.

    28Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.

  • 26iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.

  • Tir 3:23-24
    2 aayado
    78%

    23Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan.

    24Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.

  • 31Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

  • Tir 3:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

  • 17Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.

  • 38¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey,

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • Tir 3:36-37
    2 aayado
    74%

    36Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,

    37iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.

  • 41Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen.

  • Tir 4:21-22
    2 aayado
    73%

    21¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    22Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri.

  • 36Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

  • Bax 35:17-19
    3 aayado
    72%

    17iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda,

    18iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda,

    19iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 28Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

  • 31Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • 37Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

  • 50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

  • 1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 3Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.

  • 40iyo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,

  • 11waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • Bax 26:12-13
    2 aayado
    69%

    12Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa.

    13Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan.

  • 29Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan.

  • 53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.

  • 21¶ Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay.

  • 19Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda.

  • 8Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

  • 15Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan.

  • 21¶ Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.

  • 17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 3Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine.

  • 31¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

  • Bax 39:33-34
    2 aayado
    68%

    33Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

    34iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

  • 7kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,

  • 5Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.

  • 27Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.

  • 15Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.