Tirintii 30:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse haddii ninkeedu u diido maalintii uu maqlo, markaasuu burin doonaa nidarkii saarnaa iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay; oo Rabbiguna iyada wuu cafiyi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 3:16 : 16 Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa.
  • 1 Kor 7:4 : 4 Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.
  • 1 Kor 14:34 : 34 ¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
  • Ef 5:22-24 : 22 ¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan. 23 Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka. 24 Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 30:9-16
    8 aayado
    94%

    9Laakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.

    10Oo hadday nidar gasho ama ay nafteeda dhaar ku xidho iyadoo guriga ninkeeda joogta,

    11oo haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso ee uusan iyada u diidin, markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doontaa.

    12Laakiinse haddii ninkeedu uu iyaga buriyo maalintii uu maqlay, markaas wax alla wixii bushimaheeda ka soo baxay oo nidarradeeda ku saabsan amase ku saabsan dhaartii ay nafteeda ku xidhay ma ay taagnaan doonaan, waayo, ninkeedii baa buriyey, oo Rabbiguna wuu cafiyi doonaa iyada.

    13Nidar kasta iyo dhaar kasta oo nafta lagu xidho in lagu dhibo aawadeed, ninkeedaa adkayn kara ama ninkeedaa burin kara.

    14Laakiinse haddii ninkeedu maalin ka maalin ka aamuso iyada, markaas wuu adkeeyaa nidarradeedii oo dhan iyo dhaaraheedii iyada saarnaa oo dhan. Wuu adkeeyey, maxaa yeelay, wuu isaga aamusay maalintii uu maqlay.

    15Laakiinse hadduu buriyo markuu maqlay dabadeed, de markaas isagaa qaadaya dembigeedii.

    16Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.

  • Tir 30:2-7
    6 aayado
    89%

    2Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.

    3Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,

    4haddii aabbaheed maqlo nidarkeeda iyo dhaarteedii ay nafteeda ku xidhay, oo uu markaas iska aamuso, de markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna waa taagnaan doontaa.

    5Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.

    6Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,

    7haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso maalintii uu maqlo, markaas nidarradeedii way taagnaan doonaan, oo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doonaan.

  • Bax 21:8-11
    4 aayado
    71%

    8Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.

    9Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

    10Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.

    11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

  • Sharc 24:1-4
    4 aayado
    71%

    1¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.

    2Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.

    3Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,

    4ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.

  • Tir 5:30-31
    2 aayado
    71%

    30ama haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa.

    31Oo markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.

  • 71%

    13¶ Oo haddii nin naag guursado oo uu u tago, dabadeedna uu necbaado,

    14oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,

  • Tir 5:19-21
    3 aayado
    71%

    19Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo,

    20laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,

    21markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar,

  • 17Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.

  • Tir 5:27-28
    2 aayado
    70%

    27Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar.

    28Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa.

  • 11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

  • Tir 5:12-13
    2 aayado
    70%

    12Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,

    13oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

  • 22Laakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.

  • 4Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.

  • 69%

    19oo weliba waa inay ku ganaaxaan boqol sheqel oo lacag ah oo ay siiyaan gabadha aabbaheed, maxaa yeelay, isagu magac ceeb ah buu u soo jiiday bikrad reer binu Israa'iil ah. Iyana naagtiisii ha ahaato, oo isna cimrigiisa oo dhan waa inuusan furin.

    20Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,

  • 69%

    13oo dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato.

    14Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.

  • Room 7:2-3
    2 aayado
    68%

    2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.

    3Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.

  • 8Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

  • Sharc 25:7-8
    2 aayado
    68%

    7Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.

    8Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,

  • 29markaas ninkii gabadha la jiifsaday waa inuu gabadha aabbaheed siiyaa konton sheqel oo lacag ah. Iyana naagtiisa ha ahaato, maxaa yeelay, isagu ceeb buu ku hoosaysiiyey, oo isna waa inuusan furin cimrigiisa oo dhan.

  • 13Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.

  • 17Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay.

  • 39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.