Tirintii 31:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba boolidii aan lagu tirin wixii nimankii dagaalyahannada ahaa soo dhaceen waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo ido ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 31:33-40
    8 aayado
    86%

    33iyo laba iyo toddobaatan kun oo lo' ah,

    34iyo kow iyo lixdan kun oo dameer,

    35oo dadkuna kulligiis wuxuu ahaa laba iyo soddon kun oo ah dumarkii aan rag la seexan.

    36Oo badhkii ahaa kuwii dagaalka u baxay qaybtoodii waxay ahayd saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah.

    37Oo Rabbiga canshuurtiisii idaha ka go'day waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan neef.

    38Oo lo'duna waxay ahayd lix iyo soddon kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo toddobaatan neef.

    39Oo dameerraduna waxay ahaayeen soddon kun iyo shan boqol, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd kow iyo lixdan neef.

    40Oo dadkuna wuxuu ahaa lix iyo toban kun, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd laba iyo soddon qof.

  • Tir 31:42-47
    6 aayado
    82%

    42Oo reer binu Israa'iil badhkoodii wuxuu Muuse gooni uga dhigay qaybtii raggii dagaallamay.

    43(Haddaba shirka badhkiisii wuxuu ahaa saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah,

    44iyo lix iyo soddon kun oo lo' ah,

    45iyo soddon kun iyo shan boqol oo dameerro ah,

    46iyo lix iyo toban kun oo qof.)

    47Oo xataa reer binu Israa'iil badhkoodii Muuse kontonkiiba mid buu ka soo saaray dad iyo duunyaba, oo wuxuu siiyey reer Laawi oo haya shuqulkii taambuuggii Rabbiga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 31:25-31
    7 aayado
    80%

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    26Soo tiriya boolida la soo dhacay, dad iyo duunyaba, adiga iyo wadaadka Elecaasaar ah iyo madaxda qabiilooyinka shirka,

    27oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;

    28oo Rabbiga canshuur uga qaad raggii dagaalka u baxay; oo shantii boqolba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha,

    29badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.

    30Oo reer binu Israa'iil badhkoodana kontonkiiba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha, iyo xataa xoolaha oo dhan, oo waxaad siisaa reer Laawi oo haya shuqulka taambuugga Rabbiga.

    31Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 77%

    32Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo.

    33Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah.

  • Tir 31:11-12
    2 aayado
    77%

    11Oo dad iyo duunyaba way dheceen oo booli bay u qaateen.

    12Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 21Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof.

  • Bil 32:14-15
    2 aayado
    75%

    14taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,

    15iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.

  • 46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.

  • Tir 31:52-53
    2 aayado
    74%

    52Oo dahabkii qurbaanka sare loo qaado oo dhan oo ay kun-u-taliyayaasha iyo boqol-u-taliyayaashu Rabbiga u bixiyeen wuxuu ahaa lix iyo toban kun iyo toddoba boqol iyo konton sheqel.

    53(Waayo, raggii dagaalyahannada ahaa nin waluba wuxuu qaatay wixii uu soo dhacay.)

  • 32¶ Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.

  • Tir 31:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan waa inaad qabiil kastaba kun ka soo bixisaan oo dagaal u dirtaan.

    5Sidaas daraaddeed kumanyaalkii reer binu Israa'iil qabiil kasta waxaa laga soo bixiyey kun nin, oo waxay ahaayeen laba iyo toban kun oo nin oo dagaal hub u sita.

  • 51¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

  • 9Oo reer binu Israa'iil waxay maxaabiis ahaan u wateen dumarkii reer Midyaan iyo dhallaankoodiiba; oo lo'doodii oo dhan, iyo idahoodii oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhanna way wada dheceen.

  • 20Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.

  • 11Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.

  • 15Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.

  • 11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

  • 66Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon; baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,

  • 23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 7Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.

  • 68Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,

  • 37¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin.

  • 26Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.

  • 35Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.

  • 8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 4oo ah dalkii Rabbigu wax kaga dhuftay reer binu Israa'iil hortooda waa dal xoolo u wanaagsan, oo annagoo addoommadaada ahuna xoolo baannu leennahay.

  • 37Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.