Tirintii 36:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 33:54 : 54 Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
  • Yash 13:6 : 6 Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray.
  • Yash 14:1-2 : 1 ¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen. 2 Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.
  • Yash 17:3-6 : 3 Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah. 4 Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda. 5 Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa; 6 maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.
  • Ayuub 42:15 : 15 Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.
  • Tir 26:55-56 : 55 Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen. 56 Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.
  • Tir 27:1-7 : 1 ¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 2 Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen, 3 Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn. 4 In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii. 5 Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa. 6 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 7 Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 36:3-12
    10 aayado
    85%

    3Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga.

    4Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo.

    5Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen.

    6Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen.

    7Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.

    8Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis.

    9Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.

    10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,

    11waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.

    12Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

  • Yash 17:3-4
    2 aayado
    84%

    3Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

    4Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.

  • Tir 27:6-11
    6 aayado
    84%

    6Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    7Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.

    8Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.

    9Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.

    10Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.

    11Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.

  • 1¶ Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil,

  • Tir 27:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

    2Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,

  • 33Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • 13Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,

  • 29Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.

  • 6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • Yash 21:2-3
    2 aayado
    73%

    2Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan.

    3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

  • Tir 34:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)

  • Yash 14:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

    2Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.

    3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.

  • 4In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 54Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 26:52-53
    2 aayado
    70%

    52¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    53Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu.

  • Tir 35:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

  • 8¶ Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.

  • 51¶ Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.

  • 2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.

  • 17Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.

  • 55Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen.

  • 6Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.

  • 4Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil.