Tirintii 9:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 12:48-49 : 48 Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin. 49 Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.
  • Laaw 24:22 : 22 Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Laaw 25:15 : 15 Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.
  • Sharc 29:11 : 11 iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha,
  • Sharc 31:12 : 12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,
  • Ish 56:3-7 : 3 Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya 5 waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin. 6 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya, 7 kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.
  • Ef 2:19-22 : 19 Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah, 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa. 21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah. 22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
  • Laaw 19:10 : 10 Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Laaw 22:25 : 25 Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 15:13-17
    5 aayado
    84%

    13Inta waddaniga ah oo dhammu waxyaalahan sidaas ha u sameeyeen markay bixinayaan qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.

    14Oo haddii shisheeye idinla deggan yahay ama mid kasta oo idin dhex jooga qarniyadiinna oo dhan, hadduu doonayo inuu qurbaan dab lagu sameeyo Rabbiga ugu bixiyo caraf udgoon, sidaad idinku yeeshaan isna waa inuu yeelaa.

    15Oo ururkiinna oo dhammu waa inaad idinka iyo shisheeyaha idinla degganu lahaataan qaynuun keliya, kaas oo ahaanaya qaynuun ab ka ab. Waayo, sidaad idinku tihiin, shisheeyuhuna waa inuu Rabbiga hortiisa sidaas oo kale ku ahaadaa.

    16Oo idinka iyo shisheeyihii idinla degganuba waa inaad lahaataan isku sharci iyo isku qaynuun.

    17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 12:47-49
    3 aayado
    83%

    47Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro.

    48Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.

    49Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.

  • 43¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;

  • 79%

    33Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa inaydaan xumayn.

    34Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Tir 15:29-30
    2 aayado
    79%

    29Waa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba.

    30Laakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 22Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Tir 9:9-13
    5 aayado
    77%

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    10Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda.

    11Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.

    12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.

    13Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.

  • Tir 9:2-5
    4 aayado
    76%

    2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

    3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

    4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.

    5Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 26Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

  • 19Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar.

  • Laaw 17:8-9
    2 aayado
    73%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 10Oo kii dambaska qaalinta soo ururiyaana dharkiisa ha maydho, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaan doonaa, oo taasu waa inay reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha la degganba u ahaataa qaynuun weligiis jira.

  • 14Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

  • 10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

  • 9Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.

  • 4Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan.

  • 19Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.

  • 21Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.

  • Yex 47:22-23
    2 aayado
    71%

    22Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.

    23Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.

  • 42Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • 16¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.

  • 51Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • 45Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.

  • 15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

  • 10Sidaas daraaddeed waa inaad amarkan haysaa xilligiisa, oo aad dhawrtaa sannad ilaa sannad.

  • 33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

  • 21¶ Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

  • 6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

  • 38Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • Laaw 23:5-6
    2 aayado
    69%

    5Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

    6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

  • 47¶ Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,