Tirintii 9:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 40:36-38 : 36 Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan, 37 laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado. 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.
  • Tir 10:33-34 : 33 ¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan. 34 Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.
  • Sab 32:8 : 8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
  • Sab 73:24 : 24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
  • Tir 10:11-12 : 11 ¶ Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa. 12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
  • Bax 33:14-15 : 14 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa. 15 Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.
  • Yoox 10:3-5 : 3 Illinjoogaha ayaa isaga illinka ka fura, iduhuna codkiisay maqlaan, idihiisana magacyadooda ayuu ugu yeedhaa, oo dibadduu u kaxeeyaa. 4 Markuu kuwiisa wada saaro, wuu hor kacaa, iduhuna way raacaan, waayo, codkiisay garanayaan. 5 Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan.
  • Yoox 10:9 : 9 Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa.
  • Ish 49:10 : 10 Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
  • Sab 80:1-2 : 1 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin. 2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 9:18-23
    6 aayado
    90%

    18Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.

    19Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.

    20Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.

    21Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.

    22Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.

    23Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.

  • Bax 40:34-38
    5 aayado
    87%

    34¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

    35Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

    36Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

    37laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

    38Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

  • Tir 9:15-16
    2 aayado
    82%

    15¶ Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.

    16Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.

  • Tir 10:33-34
    2 aayado
    80%

    33¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.

    34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

  • 17¶ Dabadeedna teendhada shirku waa inay baxdaa, iyadoo kooxda reer Laawi ku dhex jirta kooxaha kale, oo siday u degaan waa inay u baxaan, nin kasta oo meeshiis ku jira oo calankooda ag jooga.

  • Tir 10:11-13
    3 aayado
    78%

    11¶ Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa.

    12Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.

    13Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.

  • 33oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

  • 52Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.

  • 2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

  • 19Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

  • Bax 13:20-22
    3 aayado
    76%

    20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

    21Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.

    22Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

  • 12Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen.

  • Bax 33:7-10
    4 aayado
    76%

    7¶ Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.

    8Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.

    9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

    10Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.

  • 17Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.

  • 28Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.

  • 34Sidaasay reer binu Israa'iil yeeleen, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray, sidaasay dhammaan uga ag dhisteen calammadoodii, oo sidaasay ugu bexeen siday qoladoodii iyo reerahoodii ahaayeen.

  • 15Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada.

  • 2Reer binu Israa'iil waa in nin waluba teendhadiisa ka ag dhistaa calankiisa, iyagoo ag jooga bandiiradihii reerka aabbahood, oo waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan meel teendhada shirka ka hor jeedda oo hareeraheeda ah.

  • 10Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 19de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo.

  • 21Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen.

  • 19Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 14Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.

  • 3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • 17¶ Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 5Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga.

  • 14Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,

  • Tir 33:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

  • 22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.