Maahmaahyadii 23:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 28:14 : 14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
  • Maah 3:31 : 31 Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.
  • Maah 24:1 : 1 Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
  • Maah 15:16 : 16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
  • Sab 37:1-3 : 1 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya. 2 Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan. 3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
  • Sab 73:3-7 : 3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan. 4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay. 5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna. 6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin. 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
  • Sab 111:10-112:1 : 10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba. 1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
  • Wacd 5:7 : 7 Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.
  • Wacd 12:13-14 : 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon. 14 Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • 1 But 1:17 : 17 Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    17Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

    18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

    19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • 1Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

  • 1Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 31Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.

  • 74%

    18Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

    19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 7Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.

  • 13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

  • 27Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.

  • 1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

  • 16Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

  • Sab 37:7-8
    2 aayado
    72%

    7Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.

    8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

  • 7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

  • 17Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magangalo.

  • Wacd 8:12-13
    2 aayado
    72%

    12In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.

    13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

  • 30Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

  • 14Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.

  • 16Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.

  • 21Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

  • 25Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.

  • 11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.

  • 27Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.

  • 18Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,

  • 3Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.

  • 4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.

  • 36Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.

  • 17Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?

  • 11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

  • 25Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

  • 5Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

  • 1Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.

  • 4Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.

  • 20si uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • 9Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

  • 2Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 1Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.

  • 8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

  • 24Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.

  • 17Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.

  • 10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

  • 9Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.