Maahmaahyadii 26:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 12:8 : 8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
  • Sab 15:4 : 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
  • Maah 17:7 : 7 Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.
  • Maah 19:10 : 10 Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
  • Maah 26:8 : 8 Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.
  • Maah 28:16 : 16 Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
  • Wacd 10:5-7 : 5 Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada. 6 Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose. 7 Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.
  • Sab 52:1 : 1 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
  • Xaak 9:7 : 7 Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.
  • Xaak 9:20 : 20 haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.
  • Xaak 9:56-57 : 56 Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah: 57 oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
  • 1 Sam 12:17-18 : 17 Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen. 18 Saas aawadeed Samuu'eel Rabbiguu baryay, oo Rabbiguna maalintaasuu onkod iyo roob soo diray, oo dadkii oo dhammuna aad iyo aad bay uga cabsadeen Rabbiga iyo Samuu'eelba.
  • Est 3:1-9 : 1 ¶ Oo waxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashwerus wuxuu dalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isaga la joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo isaga wuu hore mariyey. 2 Oo waxaa Haamaan u foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saas loo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan, umana sujuudin. 3 Markaasaa addoommadii boqorka oo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yidhaahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa? 4 Haddaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas ku lahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inay warkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuu xaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegay inuu Yuhuud yahay. 5 Haamaanna markuu arkay inaan Mordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haamaan aad u cadhooday. 6 Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii. 7 ¶ Oo sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus, bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaan hortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, oo taasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil, ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar. 8 Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto. 9 Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka. 10 Markaasaa boqorkii wuxuu gacantiisa ka siibay kaatunkiisii oo wuxuu siiyey Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag ee weliba ahaa cadowgii Yuhuudda. 11 Kolkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, oo weliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kula wanaagsan. 12 ¶ Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii. 13 Oo warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco. 14 Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas. 15 Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
  • Est 4:6 : 6 Sidaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa.
  • Est 4:9 : 9 Kolkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.
  • Maah 26:3 : 3 Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 26:7-12
    6 aayado
    77%

    7Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

    8Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.

    9Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

    10Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.

    11Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.

    12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

  • Maah 26:2-5
    4 aayado
    75%

    2Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.

    3Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

    4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

    5Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 35Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

  • Wacd 7:5-6
    2 aayado
    72%

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

    6Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 24Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 71%

    15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

    16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 16Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?

  • 7Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 71%

    13Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.

    14Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.

  • Maah 20:3-4
    2 aayado
    71%

    3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

    4Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 23Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

  • 7Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

  • 18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • Maah 14:7-9
    3 aayado
    69%

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

    9Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.

  • 6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.

  • 22In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.

  • 6Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.

  • 5Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.

  • 20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

  • 22Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 9Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.

  • 18Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.

  • 24Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

  • 2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

  • 8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.