Maahmaahyadii 30:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 21:5 : 5 Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.
  • Ayuub 40:4 : 4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.
  • Maah 17:28 : 28 Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.
  • Maah 26:12 : 12 Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
  • Wacd 8:3-4 : 3 Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo. 4 Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?
  • Miik 7:16-17 : 16 Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan. 17 Waxay ciidda u leefleefi doonaan sidii abeeso oo kale, sidii waxyaalo dhulka ku gurguurta ayay iyagoo gariiraya meelahooda ka soo bixi doonaan, oo waxay cabsi ugu iman doonaan Rabbiga Ilaaheenna ah, oo idinka aawadiin ayay u baqi doonaan.
  • Room 3:19 : 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 75%

    9Amiirraduna intay hadalka joojiyaan, Ayay afka gacanta saari jireen.

    10Ragga gobta ahuna way aamusi jireen, Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.

  • 5Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 31Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 2Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • 33Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 27Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,

  • 5Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.

  • 29Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.

  • 6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 6Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 4Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa.

  • 33Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 3Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

  • Ayuub 15:5-6
    2 aayado
    71%

    5Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada, Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.

    6Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha; Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.

  • 12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 5Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.

  • 13Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

  • 15Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 2Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado.

  • 30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 70%

    18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 13Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,

  • 8Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

  • 4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

  • 21Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

  • 5Nacasku gacmihiisuu isku duudduubaa, oo wuxuu cunaa hilibkiisa.

  • 23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

  • 24Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.

  • 10Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

  • 3Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.

  • 18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.