Maahmaahyadii 30:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 18:30 : 30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
  • Sab 12:6 : 6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
  • Sab 84:11 : 11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
  • Sab 3:3 : 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
  • Bil 15:1 : 1 ¶ Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.
  • Sab 19:8 : 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
  • Sab 91:2 : 2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
  • Sab 115:9-9 : 9 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda. 10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda. 11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
  • Sab 119:140 : 140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
  • Sab 144:2 : 2 Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
  • Room 7:12 : 12 Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
  • Yac 3:17 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:30-32
    3 aayado
    82%

    30Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

    31Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    32Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.

  • 82%

    31Ilaah jidkiisu waa qumman yahay; Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.

    32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

    33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

  • Sab 12:6-7
    2 aayado
    77%

    6Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.

    7Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.

  • 6Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

  • Sab 115:9-11
    3 aayado
    72%

    9Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

    10Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

    11Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

  • 140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

  • 7Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.

  • Sab 56:3-4
    2 aayado
    71%

    3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

    4Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 4Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.

  • 7Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.

  • 2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

  • 11Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?

  • 7Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.

  • 114Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

  • 10Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • 10Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.

  • 26Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.

  • 4Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.

  • 11Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.

  • 160Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

  • 8Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.

  • 4Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha; Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.

  • 1Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.

  • Sab 84:11-12
    2 aayado
    68%

    11Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.

    12Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

  • 25Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.

  • 1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.

  • 5Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

  • 19Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.

  • 4Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil, Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad, Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn, Isagu waa xaq, waana caaddil.

  • 16Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada;

  • 4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

  • 8Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

  • 7Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.

  • 15Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • 7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.

  • Ish 26:3-4
    2 aayado
    67%

    3Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.

    4Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • 1Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.