Maahmaahyadii 31:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa, Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 35:25-26 : 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 31:20-31
    12 aayado
    86%

    20Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka, Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.

    21Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad, Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.

    22Waxay samaysataa durraaxado daabac leh, Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.

    23Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.

    24Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.

    25Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.

    26Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.

    27Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.

    28Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;

    29Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.

    30Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.

    31Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

  • 85%

    10Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.

    11Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.

    12Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.

    13Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.

    14Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.

    15Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,

    16Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.

    17Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.

    18Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay; Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.

  • Bax 35:25-26
    2 aayado
    72%

    25Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    26Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad.

  • Maah 3:15-18
    4 aayado
    72%

    15Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.

    16Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.

    17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

    18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • 26Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 28Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.

  • 14Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,

  • 10Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.

  • 8Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.

  • 7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.

  • 9Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

  • 68%

    11¶ Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,

    12markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.

  • 68%

    19Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,

    20Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

  • 23Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

  • Maah 7:11-12
    2 aayado
    67%

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

  • 26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

  • 16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

  • Maah 9:2-3
    2 aayado
    67%

    2Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.

    3Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,

  • 16Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,

  • 4Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.

  • 2Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.

  • 29Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.