Maahmaahyadii 31:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 29:14 : 14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
  • Ayuub 40:10 : 10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
  • Sab 97:11-12 : 11 Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin, Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad. 12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.
  • Sab 132:9 : 9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
  • Sab 132:16 : 16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
  • Ish 61:10 : 10 ¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.
  • Ish 65:13-14 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
  • Room 13:14 : 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • Ef 4:24 : 24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
  • 1 But 5:5-6 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 6 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.
  • 1 Tim 2:10 : 10 Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.
  • Mat 25:20-21 : 20 Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 21 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 31:10-24
    15 aayado
    82%

    10Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.

    11Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.

    12Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.

    13Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.

    14Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.

    15Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,

    16Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.

    17Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.

    18Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay; Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.

    19Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa, Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.

    20Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka, Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.

    21Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad, Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.

    22Waxay samaysataa durraaxado daabac leh, Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.

    23Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.

    24Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.

  • 79%

    26Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.

    27Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.

    28Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;

    29Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.

    30Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.

    31Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

  • Maah 3:14-18
    5 aayado
    77%

    14Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.

    15Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.

    16Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.

    17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

    18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • Maah 4:8-9
    2 aayado
    75%

    8Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.

    9Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

  • Sab 45:13-14
    2 aayado
    73%

    13Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.

    14Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.

  • 16Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.

  • 4Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 14Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,

  • 10Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.

  • 18Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.

  • 8Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.

  • 1 But 3:3-5
    3 aayado
    67%

    3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

    4laakiinse ha ahaato inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baabba'ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh.

    5Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.

  • 18Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.

  • 1 Tim 2:9-10
    2 aayado
    67%

    9Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.

    10Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.

  • 10¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.

  • 11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

  • 14Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.

  • 9Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.

  • 8Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.

  • 6Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.