Sabuurradii 103:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 57:10 : 10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
  • Sab 36:5 : 5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
  • Ef 2:4-7 : 4 Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, 5 oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen. 6 Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix, 7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix.
  • Sab 103:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
  • Maah 25:3 : 3 Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
  • Luuk 1:50 : 50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.
  • Ish 55:9 : 9 Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan.
  • Ef 3:18-19 : 18 inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida, 19 iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
  • Ayuub 22:12 : 12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
  • Sab 89:2 : 2 Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa, Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    12Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.

    13Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.

    14Waayo, abuuristeennuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.

  • Sab 103:8-10
    3 aayado
    81%

    8Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.

    9Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.

    10Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.

  • 79%

    17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

    18Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.

    19Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.

  • Sab 57:10-11
    2 aayado
    79%

    10Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.

    11Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • Sab 108:4-5
    2 aayado
    78%

    4Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.

    5Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

  • 50Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.

  • 5Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.

  • Miik 7:18-19
    2 aayado
    74%

    18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

    19Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.

  • 2Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.

  • 4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.

  • Sab 113:4-6
    3 aayado
    73%

    4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

    5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

    6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

  • Sab 136:4-7
    4 aayado
    72%

    4Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    5Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    6Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    7Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 11Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.

  • 9Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan.

  • 8Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.

  • 5Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.

  • 18Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,

  • 23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 19Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.

  • 5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.

  • 13Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

  • 19Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,

  • 12War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!

  • 4Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,

  • 7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.

  • 4Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

  • 4Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.

  • 4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 19Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?

  • 32Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

  • 10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.