Sabuurradii 106:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 10:16 : 16 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.
  • Ish 24:16 : 16 ¶ Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
  • Tir 11:31-34 : 31 Markaasaa dabayl Rabbiga ka timid, oo waxay badda ka keentay digaagduur, oo xerada hareeraheedii ayay ku soo daadisay intii maalin socodkeed ah oo dhankan ah iyo intii maalin socodkeed ah oo dhanka kale ah oo xerada ku wareegsan, oo dalka korkiisana waxay u jireen intii laba dhudhun ah. 32 Markaasaa dadkii kacay oo maalintaas oo dhan, iyo habeenkii oo dhan, iyo maalintii dambe oo dhan waxay soo urursadeen digaagduurkii; oo kii ugu wax yaraa wuxuu soo urursaday toban xomeer, oo waxay ku kala bixiyeen xerada hareeraheedii. 33 Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn. 34 Oo meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Qibrood Xatawaah, maxaa yeelay, halkaasaa lagu aasay dadkii hunguri xumaaday.
  • Sab 78:29-31 : 29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen. 30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay, 31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.

  • Sab 78:28-31
    4 aayado
    77%

    28Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.

    29Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.

    30Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,

    31Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.

  • Sab 78:17-19
    3 aayado
    74%

    17Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

    18Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.

    19Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?

  • Sab 107:5-6
    2 aayado
    74%

    5Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.

    6Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.

  • 16Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.

  • Nex 9:15-16
    2 aayado
    70%

    15Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.

    16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 40Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.

  • 18Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.

  • 5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • 68%

    24Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,

    25Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.

    26Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,

    27Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.

  • 12Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.

  • 50Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,

  • Nex 9:20-21
    2 aayado
    68%

    20Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.

    21Haah, afartan sannadood ayaad iyaga cidlada ku xannaanaynaysay, oo waxba uma ayan baahan, dharkoodiina kama uusan duugoobin, cagahoodiina ma ayan bararin.

  • 9Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa, Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.

  • 40Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

  • 29Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.

  • 3Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.

  • 65Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

  • 41Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.

  • 67%

    43Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.

    44Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,

  • 33Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi.

  • 33Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn.

  • 6Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.

  • 66%

    32Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,

    33Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.

  • 39Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.

  • 19Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.

  • 32Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.

  • 35Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.

  • 66%

    15Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.

    16Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.

  • 16Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,

  • 65%

    28Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.

    29Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.

  • 46Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.

  • 25Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.