Sabuurradii 106:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 25:11-13 : 11 Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda. 13 Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.
  • Sharc 24:13 : 13 laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.
  • Mark 14:3-9 : 3 ¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay. 4 Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey? 5 Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii. 6 Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 7 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo. 8 Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed. 9 Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
  • Bil 15:6 : 6 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.

  • Room 4:22-23
    2 aayado
    79%

    22Sidaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    23Wixii loo tiriyey looma qorin isaga aawadiis oo keliya,

  • 6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • Room 4:2-3
    2 aayado
    76%

    2Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.

    3Maxaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 30Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.

  • Room 4:5-6
    2 aayado
    72%

    5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

    6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,

  • Room 4:9-11
    3 aayado
    71%

    9¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;

    11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,

  • 3Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.

  • Sab 105:8-10
    3 aayado
    70%

    8Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,

    9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

    10Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

  • Sab 22:30-31
    2 aayado
    70%

    30Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.

    31Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.

  • 3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.

  • 23Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

  • 69%

    21Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    22Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

  • Sab 112:2-3
    2 aayado
    69%

    2Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.

    3Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 32Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,

  • 6Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.

  • 25Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.

  • 29Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 2Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.

  • 16Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

  • 9Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

  • 5Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.

  • 9sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba.

  • 42Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.

  • 50Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.

  • 13Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.

  • 8Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.

  • 2Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.

  • 17Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.

  • 18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

  • 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • 17Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.