Sabuurradii 109:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 52:4 : 4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
  • Sab 64:3-4 : 3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh, 4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
  • Sab 120:2-3 : 2 Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan. 3 Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
  • Sab 140:3 : 3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
  • Maah 6:17 : 17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
  • Maah 12:19 : 19 Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
  • Maah 15:28 : 28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
  • Yer 9:3 : 3 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 9:5 : 5 Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.
  • Mat 26:59-62 : 59 Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan. 60 Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba, 61 oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. 62 Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?
  • Fal 6:13 : 13 Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,
  • 2 Sam 15:3-8 : 3 Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro. 4 Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo! 5 Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray. 6 Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil. 7 ¶ Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay. 8 Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.
  • 2 Sam 17:1 : 1 ¶ Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,
  • Sab 31:13 : 13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
  • Sab 31:18 : 18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 109:3-5
    3 aayado
    83%

    3Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

    4Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

    5Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.

  • 79%

    10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

    11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.

  • 9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.

  • 1Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,

  • Sab 120:2-3
    2 aayado
    77%

    2Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.

    3Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?

  • 9Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.

  • 7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • Sab 35:19-21
    3 aayado
    76%

    19Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.

    20Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.

    21Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.

  • 12Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 62Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • 12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.

  • 9Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 20Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.

  • 13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 20Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 46Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

  • 7Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.

  • Room 3:13-14
    2 aayado
    74%

    13Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis;

    14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 12Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.

  • 3Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • 3Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)

  • 2Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.

  • 2Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

  • 3Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.

  • 4Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan, Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.

  • 8Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

  • 8Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.

  • 3Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 5Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.

  • 11Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.

  • 2Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.

  • 7Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.

  • 7Afkooda waxaa ka qubmaysa cay, Bushimahoodana waxaa ku jira seefo, Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?

  • 6Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.

  • 16Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.