Sabuurradii 59:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Afkooda waxaa ka qubmaysa cay, Bushimahoodana waxaa ku jira seefo, Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 57:4 : 4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
  • Sab 10:11 : 11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
  • Maah 15:2 : 2 Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
  • Maah 12:18 : 18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
  • Sab 73:11 : 11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
  • Sab 94:4 : 4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
  • Sab 94:7-9 : 7 Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono. 8 Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan? 9 Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
  • Sab 109:2-3 : 2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega. 3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
  • Sab 10:13 : 13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
  • Sab 55:21 : 21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
  • Sab 64:3-5 : 3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh, 4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan. 5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
  • Ayuub 22:12-13 : 12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan! 13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
  • Maah 15:28 : 28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
  • Yer 33:24 : 24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.
  • Mat 12:34 : 34 Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.

  • Sab 73:7-9
    3 aayado
    78%

    7Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

    8Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

    9Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.

  • 6Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale, Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.

  • 9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.

  • 75%

    16Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

    17Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.

  • 3Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 3Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,

  • Sab 140:2-3
    2 aayado
    75%

    2Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.

    3Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)

  • 8Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.

  • Sab 17:10-11
    2 aayado
    74%

    10Qalbigooday xidheen, Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.

    11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • 16Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • Room 3:13-14
    2 aayado
    74%

    13Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis;

    14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 36Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan.

  • 8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.

  • 9Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.

  • 2Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

  • 16Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.

  • 5Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.

  • 23Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

  • Sab 12:2-4
    3 aayado
    73%

    2Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.

    3Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.

    4Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?

  • 13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.

  • 6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

  • 12Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.

  • 4Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,

  • Sab 35:20-21
    2 aayado
    72%

    20Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.

    21Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 2Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

  • 10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

  • 16Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.

  • 6Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.

  • 14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

  • Sab 59:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen, Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.

    15Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan, Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.

  • 29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

  • 14Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.

  • 7Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

  • 10Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.

  • 5Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.

  • 4Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)

  • 28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.