Sabuurradii 119:118
Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
21Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
85Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
67Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
68Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
117Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
137Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
104Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
157Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
160Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
161Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
3Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
150Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
151Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
102Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
142Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
78Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
163Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
113Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
29Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
30Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
10Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
27Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
115Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
133Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
38Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.