Sabuurradii 119:65

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 29:14 : 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.
  • Sab 13:6 : 6 Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
  • Sab 16:5-6 : 5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa. 6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
  • Sab 18:35 : 35 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
  • Sab 23:5-6 : 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa. 6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
  • Sab 30:11 : 11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
  • Sab 116:7 : 7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
  • Sab 119:17 : 17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

    67Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

    68Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 79%

    124Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.

    125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

  • 78%

    15Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

    16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.

    17Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.

  • 77%

    56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

    57Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.

    58Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.

  • Sab 119:9-12
    4 aayado
    76%

    9Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.

    10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

    12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 64Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 75%

    75Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

    76Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

  • 75%

    137Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

    138Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

  • 21Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah.

  • 73%

    166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

    167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

    168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

    169Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

  • 140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

  • 33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

  • 19Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.

  • 73%

    49Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

    50Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

  • 7Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

  • 38Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.

  • 1Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

  • 73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.

  • 41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

  • 159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 105Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.

  • 26Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

  • 4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.

  • 156Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,

  • 15Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay.

  • 102Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

  • 107Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

  • 26Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah,

  • 1¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.

  • 5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 89Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.