Sabuurradii 119:15
Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
45Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
12Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
59Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
26Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
47Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
48Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
14Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
5Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
6Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
7Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
9Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
78Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
55Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
99Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
148Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
117Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
171Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
112Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
5Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
5Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
63Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
1Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
18Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
30Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.