Sabuurradii 145:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 4:37 : 37 Haatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
  • Sab 40:9-9 : 9 Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow. 10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
  • Sab 66:3-4 : 3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan. 4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
  • Sab 71:17-19 : 17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan. 18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya. 19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
  • Sab 71:24 : 24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
  • Sab 72:18 : 18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
  • Sab 96:3 : 3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
  • Sab 104:1-2 : 1 Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad. 2 Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
  • Sab 105:2 : 2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
  • Sab 119:27 : 27 Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
  • Ish 12:4 : 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
  • Daan 4:1-3 : 1 ¶ Anoo Boqor Nebukadnesar ah waxaan ku leeyahay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ah oo dhulka oo dhan deggan, Nabadu ha idinku badato. 2 Way ila wanaagsanaatay inaan muujiyo calaamadihii iyo yaababkii uu Ilaaha ugu sarreeyaa igu sameeyey. 3 Calaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 145:6-7
    2 aayado
    87%

    6Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.

    7Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.

  • Sab 145:1-4
    4 aayado
    83%

    1Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.

    2Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.

    3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.

    4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.

  • 82%

    10Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.

    11Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,

    12Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.

  • Sab 77:11-12
    2 aayado
    81%

    11Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.

    12Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.

  • 2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • Sab 9:1-2
    2 aayado
    77%

    1Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

    2Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.

  • 9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 7Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

  • 5Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.

  • 5Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.

  • 2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

  • 14Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.

  • 27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

  • Sab 138:1-2
    2 aayado
    73%

    1Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,

    2Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.

  • Sab 92:4-5
    2 aayado
    73%

    4Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

    5Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.

  • 5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.

  • 5Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

  • Sab 138:4-5
    2 aayado
    73%

    4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

    5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

  • Sab 111:2-3
    2 aayado
    73%

    2Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.

    3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.

  • 2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 15Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

  • 1¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.

  • 21Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

  • 12Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.

  • 3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 46Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

  • 24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 17Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

  • 30Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.

  • 1Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.

  • 5Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga, Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.

  • 28Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

  • 16Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.

  • 17Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.

  • 31Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.

  • 1Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.

  • 2Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?