Sabuurradii 24:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 27:8 : 8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
  • Sab 105:4 : 4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • Sab 22:30 : 30 Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
  • Sab 73:15 : 15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
  • Ish 53:10 : 10 ¶ Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
  • Yoox 1:47 : 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
  • Room 4:16 : 16 ¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 24:7-10
    4 aayado
    76%

    7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

    8Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.

    9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

    10Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

  • 74%

    10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

    11Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.

  • Sab 105:3-4
    2 aayado
    74%

    3Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

    4Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 8Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)

  • 5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

  • 6¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.

  • 17Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.

  • 5Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,

  • 34Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

  • 18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

  • 6Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.

  • 30Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.

  • 2Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.

  • 5Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!

  • 5Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

  • 2Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)

  • 4Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.

  • 32Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

  • 1Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)

  • 16Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!

  • 15Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,

  • 4Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.

  • 2Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.

  • 7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 6Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,

  • 1¶ Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.

  • 3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

  • 2Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.

  • 1Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,

  • 13Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.

  • 6Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

  • 25¶ Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.

  • 6iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.

  • 2Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.

  • 9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 6Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 15Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.

  • 29Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.

  • 6Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!

  • 5Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.

  • 2Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.

  • 25Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.