Sabuurradii 26:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 27:11 : 11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.
  • Sab 40:2 : 2 Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
  • Sab 111:1 : 1 Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
  • Maah 10:9 : 9 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
  • Cib 2:12 : 12 isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
  • Sab 122:4 : 4 Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
  • Sab 107:32 : 32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
  • 1 Sam 2:9 : 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
  • Sab 22:22-25 : 22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa. 23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada. 24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay. 25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
  • Sab 26:7 : 7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

  • 1Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

  • 37Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

  • 2Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

  • 1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.

  • Sab 56:12-13
    2 aayado
    73%

    12Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.

    13Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.

  • 25Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.

  • 36Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

  • Sab 26:6-8
    3 aayado
    73%

    6Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

    7Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

    8Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

  • Sab 116:8-9
    2 aayado
    73%

    8Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

    9Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.

  • 18Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.

  • Sab 27:5-6
    2 aayado
    72%

    5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

    6Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.

  • 6Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

  • 11Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.

  • 72%

    18Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,

    19Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.

  • 1Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.

  • 34Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

  • 2Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

  • 5Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.

  • 33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.

  • 26Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.

  • 12Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.

  • 13Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.

  • 14Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.

  • 18Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.

  • 2Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.

  • 30Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.

  • 15Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.

  • 12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.

  • 16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.

  • Sab 28:6-7
    2 aayado
    70%

    6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

    7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

  • 2Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.

  • 8Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.

  • 22Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

  • 17Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 19Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.

  • 3Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.

  • 23Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.

  • 26Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.

  • 7Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.

  • 7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.