Sabuurradii 39:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa, Si aanan carrabkayga ugu dembaabin, Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 2:4 : 4 inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.
  • 2 Boq 10:31 : 31 Laakiinse Yeehuu iskama uu jirin oo kuma socon sharcigii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kumana raacin qalbigiisa oo dhan, oo kama tegin dembiyadii Yaaraabcaam uu dadka Israa'iil dembaajiyey.
  • Ayuub 2:10 : 10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.
  • Sab 62:1 : 1 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
  • 1 Taar 16:41 : 41 Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
  • Sab 119:9 : 9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
  • Sab 141:3 : 3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
  • Maah 4:26-27 : 26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen. 27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
  • Maah 18:21 : 21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
  • Maah 21:23 : 23 Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
  • Aam 5:13 : 13 Haddaba kii miyir lahu wakhtigaas wuu aamusnaan doonaa, waayo, waa wakhti shar ah.
  • Miik 7:5-6 : 5 Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta. 6 Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
  • Kol 4:5 : 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta.
  • Cib 2:1 : 1 ¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.
  • Yac 1:26 : 26 Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn.
  • Yac 3:2-8 : 2 Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan. 3 Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa. 4 Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo. 5 Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido. 6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa. 7 Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka. 8 Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
  • 1 Taar 25:1-6 : 1 ¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd: 2 reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray, 3 iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo, 4 iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood. 5 Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood. 6 Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
  • Sab 73:8-9 : 8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya. 9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
  • Sab 77:1 : 1 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
  • Sab 12:4 : 4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
  • Sab 34:13 : 13 Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 39:2-3
    2 aayado
    81%

    2Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.

    3Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,

  • Sab 141:3-4
    2 aayado
    79%

    3Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.

    4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.

  • 4Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan, Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.

  • 13Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

  • Sab 17:3-4
    2 aayado
    74%

    3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.

    4Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.

  • 30(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 3Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.

  • Maah 8:6-7
    2 aayado
    73%

    6I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.

    7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • 19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • Sab 39:8-9
    2 aayado
    73%

    8Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.

    9Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.

  • Ayuub 33:2-3
    2 aayado
    73%

    2Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

    3Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

  • 101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

  • 13Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.

  • 2Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

  • 15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

  • 72%

    31Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,

    32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • Sab 101:3-4
    2 aayado
    72%

    3Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.

    4Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.

  • 24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 18Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 14Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

  • 11Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa, Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

  • 12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.

  • 43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

  • 23Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.

  • 10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

  • 11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

  • 1Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?

  • 24Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.

  • 34Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.

  • 16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.

  • 21Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

  • 6Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?

  • 3Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.