Sabuurradii 5:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 27:11 : 11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.
  • Sab 25:4-5 : 4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar. 5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
  • Maah 3:5-6 : 5 Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn. 6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
  • Sab 143:8-9 : 8 Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa. 9 Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso. 10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
  • 2 Sam 12:14 : 14 Habase yeeshee waxaas aad samaysay aawadiis ayaad meel siisay cadaawayaashii Rabbiga inay caytamaan, taas aawadeed wiilka kuu dhashay hubaal wuu dhiman doonaa.
  • Maah 4:25 : 25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
  • Mat 3:3 : 3 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
  • Cib 12:13 : 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
  • Sab 31:1 : 1 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
  • Sab 54:5 : 5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
  • Sab 59:10 : 10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
  • Sab 86:11 : 11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
  • Sab 119:10 : 10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
  • Sab 119:64 : 64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 27:11-12
    2 aayado
    85%

    11Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.

    12Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.

  • Sab 143:8-11
    4 aayado
    77%

    8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

    9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

    10I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.

    11Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

  • Sab 25:4-5
    2 aayado
    76%

    4Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.

    5Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.

  • 3Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.

  • 20Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,

  • 8Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.

  • 3Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.

  • 13Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

  • 74%

    23Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,

    24Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 5Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 3Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

  • 10Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.

  • 35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.

  • 3Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.

  • 11Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • Sab 7:5-6
    2 aayado
    73%

    5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)

    6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 133Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

  • 5Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.

  • 7Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.

  • 11Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

  • 7Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

  • 7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 5Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!

  • 5Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.

  • 1Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 33Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

  • 4Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 1Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.

  • 5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 8Erayada afkayga oo dhammi waa xaq, Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.

  • 15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.