Sabuurradii 77:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 49:14-15 : 14 ¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay. 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.
  • Ish 63:15 : 15 Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
  • Luuk 13:25-28 : 25 Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen. 26 Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya. 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.
  • Room 11:32 : 32 Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.
  • 1 Yoox 3:17 : 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
  • Sab 25:6 : 6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
  • Sab 40:11 : 11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
  • Sab 51:1 : 1 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
  • Ish 40:27 : 27 ¶ Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 77:7-8
    2 aayado
    85%

    7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?

    8Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?

  • Sab 10:11-12
    2 aayado
    78%

    11Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.

    12Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.

  • 10Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.

  • 1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?

  • 49Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?

  • 9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • Sab 89:46-47
    2 aayado
    76%

    46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

    47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

  • 20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

  • 3Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)

  • 15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

  • 24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • 12Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.

  • 14¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.

  • 17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

  • 8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

  • 4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.

  • 5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

  • Sab 25:6-7
    2 aayado
    72%

    6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

    7Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.

  • 9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.

  • 1Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)

  • 19Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.

  • 5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 2Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

  • Sab 88:11-12
    2 aayado
    71%

    11Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?

    12Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?

  • 18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • 20Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

  • 8Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.

  • 11Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.

  • 16Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.

  • 17Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.

  • 23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 5Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)

  • 5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

  • 2Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • 45Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.

  • 1Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.

  • 38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.

  • 43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 27¶ Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?

  • 8Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 31Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan.