Sabuurradii 78:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 3:19-20 : 19 Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh. 20 Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.
  • Bax 4:21 : 21 Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.
  • Bax 7:3 : 3 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.
  • Sharc 4:34 : 34 Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?
  • Sharc 6:22 : 22 oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.
  • Nex 9:10 : 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay.
  • Sab 105:27-38 : 27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab. 28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin. 29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay. 30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba. 31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir. 32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya. 33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey. 34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin, 35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda. 36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda. 37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin. 38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
  • Sab 135:9 : 9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 78:11-13
    3 aayado
    89%

    11Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.

    12Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.

    13Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.

  • Sharc 11:3-5
    3 aayado
    80%

    3iyo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan,

    4iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,

    5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

  • 27Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.

  • Sab 135:8-9
    2 aayado
    77%

    8Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.

    9Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.

  • 77%

    11Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo dalkiisii oo dhan,

    12waxyaalahaasoo uu Muuse gacantii xoogga badnayd oo dhan iyo cabsidii weynayd oo dhan kaga sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda.

  • 44Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

  • 42Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,

  • 22oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.

  • Yer 32:20-21
    2 aayado
    74%

    20Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.

    21Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.

  • 8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

  • Sab 106:7-9
    3 aayado
    73%

    7Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.

    8Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.

    9Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.

  • 73%

    21Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,

    22Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.

  • 10oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay.

  • 36Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood.

  • 15Sidii wakhtigii aad dalkii Masar ka soo baxdeen ayaan waxyaalo yaab badan tusi doonaa.

  • 3kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,

  • 20Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

  • 34Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

  • Bax 7:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

  • Ish 63:11-12
    2 aayado
    70%

    11Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,

    12kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?

  • 5Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

  • 12Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

  • Sab 78:51-53
    3 aayado
    70%

    51Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,

    52Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.

    53Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.

  • 40Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

  • 29Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.

  • Bax 11:9-10
    2 aayado
    69%

    9¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.

    10Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

  • 13Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah.

  • 32In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

  • 22Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

  • 8Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

  • 2iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 38Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.

  • 6Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?

  • 7Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.