Sabuurradii 96:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 100:4 : 4 Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
  • Sab 108:3-5 : 3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda. 4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha. 5 Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
  • Mal 1:11 : 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
  • Cib 13:15-16 : 15 Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda. 16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
  • Sab 45:12 : 12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
  • Sab 72:10 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
  • Bax 34:5-9 : 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga. 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba. 8 Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday. 9 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.
  • 1 But 2:5 : 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.
  • Muj 8:3-4 : 3 ¶ Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil. 4 Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
  • Muj 15:4 : 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
  • Room 12:1 : 1 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
  • Room 15:16 : 16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.
  • Fil 2:17 : 17 Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,
  • Fil 4:18 : 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Cib 13:13 : 13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
  • Sab 111:9 : 9 Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
  • Sab 148:13-14 : 13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa. 14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
  • Ish 60:6-7 : 6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa. 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    27Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.

    28Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

    29Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,

  • Sab 29:1-2
    2 aayado
    84%

    1Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.

    2Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.

  • Sab 96:6-7
    2 aayado
    83%

    6Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.

    7Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

  • 9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

  • Sab 95:1-2
    2 aayado
    77%

    1Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.

    2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

  • 4Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.

  • 2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 9Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    75%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 11Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.

  • Sab 96:2-4
    3 aayado
    73%

    2Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

    4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 6Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee, Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,

  • 1Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

  • 72%

    17Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.

    18Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,

    19Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?

  • Sab 135:1-2
    2 aayado
    71%

    1Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

    2Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

  • 3Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.

  • 10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.

  • 8Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

  • 3Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

  • 9Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

  • 6Bal maxaan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Oo sidee baan Ilaaha sare ugu hor sujuudaa? Ma qurbaanno la gubo baan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Ma weylo gu jira baan la imaadaa?

  • Sab 150:1-2
    2 aayado
    70%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

  • 6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.

  • 5Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.

  • 3Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 29Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.

  • 1Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

  • 3Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.

  • 4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

  • 6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

  • 2Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.

  • 1Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.

  • 7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

  • 9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.