Muujintii 2:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 3:11 : 11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.
  • Muj 22:7 : 7 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.
  • Muj 22:20 : 20 ¶ Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.
  • Yoox 14:3 : 3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.
  • Yoox 21:22-23 : 22 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac. 23 Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay?
  • Muj 1:7 : 7 Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.
  • Muj 3:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.
  • Room 12:9 : 9 ¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
  • 1 Kor 4:5 : 5 Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
  • 1 Kor 11:26 : 26 Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.
  • 1 Tes 5:21 : 21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
  • Cib 3:6 : 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.
  • Cib 4:14 : 14 ¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.
  • Cib 10:23 : 23 Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin.
  • 2 But 3:10 : 10 ¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.
  • Fal 11:28 : 28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 3:10-11
    2 aayado
    82%

    10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

    11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

  • 24Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.

  • Muj 3:2-3
    2 aayado
    75%

    2¶ Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa.

    3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

  • 26Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha.

  • Muj 2:15-20
    6 aayado
    73%

    15Weliba waxaad kaloo haysataa kuwo sidaas oo kale u xajiya waxbariddii dadka Nikolas raaca.

    16Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.

    17Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.

    18¶ Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    19¶ Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.

    20Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.

  • Muj 2:1-8
    8 aayado
    73%

    1¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    2Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.

    3Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.

    4Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.

    5Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

    6Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay.

    7Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.

    8¶ Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

  • 72%

    13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.

    14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.

  • 15Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, xoogaysta, oo cilmigii laydin baray xajista, ha noqoto wixii hadal laydinku baray ama wixii warqaddayada laydinku baraye.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 29Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 7Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.

  • Muj 2:10-12
    3 aayado
    70%

    10Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.

    11Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.

    12¶ Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

  • 20¶ Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.

  • 9¶ Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid;

  • 15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

  • 37¶ Wakhti yar dabadeed Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.

  • 6Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo.

  • 12Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay.

  • 13Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.

  • 21Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

  • 24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.

  • 22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 8¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

  • 7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • Muj 3:19-20
    2 aayado
    68%

    19In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.

    20Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.

  • 8Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay.

  • 14Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;

  • 14¶ Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan kuu imaado, laakiin waxaan waxyaalahan kuugu soo qorayaa,

  • 6Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.

  • 19Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona.

  • 1¶ Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,