Muujintii 21:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 4:3 : 3 oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 21:18-19
    2 aayado
    89%

    18Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah.

    19Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud,

  • Bax 28:17-22
    6 aayado
    84%

    17Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;

    18safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman;

    19safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos;

    20safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.

    21Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.

    22Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.

  • Bax 39:10-15
    6 aayado
    83%

    10Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya.

    11Safka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman.

    12Safka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos.

    13Safka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal.

    14Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.

    15Oo laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah.

  • 21Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko.

  • Muj 21:11-15
    5 aayado
    77%

    11oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale;

    12oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil;

    13oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood.

    14Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.

    15¶ Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda.

  • 7iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo loogu dhejiyo eefodka, iyo laabgashiga.

  • 9iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

  • Ish 54:11-12
    2 aayado
    73%

    11¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

    12Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

  • 13Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.

  • 3oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud.

  • 12oo dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo.

  • 6Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.

  • 70%

    16Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.

    17Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.

    18Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.

    19Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.

  • 27Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

  • Bax 28:9-11
    3 aayado
    69%

    9Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil;

    10magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen.

    11Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.

  • 6¶ Oo waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen.

  • 12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

  • 1 Boq 7:9-11
    3 aayado
    68%

    9Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.

    10Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.

    11Oo korkana waxaa jiray dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, iyo alwaax kedar ah.

  • 8Oo kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon.

  • 9Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.

  • 15¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 8¶ Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 1¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.

  • 21iyo kaatummada, iyo sangelisyada,

  • 16Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.

  • 2Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.