Muujintii 3:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 14:21-23 : 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
  • Luuk 12:36-37 : 36 Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco. 37 Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa.
  • Muj 19:9 : 9 ¶ Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.
  • Hees 5:2-4 : 2 Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada. 3 Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa? 4 Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.
  • Luuk 17:8 : 8 Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?
  • Mat 24:33 : 33 Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 3:15-19
    5 aayado
    81%

    15¶ Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.

    16Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.

    17Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.

    18Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.

    19In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.

  • Muj 3:21-22
    2 aayado
    80%

    21Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.

    22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

  • 75%

    24Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.

    25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.

    26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.

  • Muj 3:5-13
    9 aayado
    74%

    5Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.

    6Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

    7¶ Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    8¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

    9Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.

    10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

    11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

    12Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.

    13Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • Muj 2:16-17
    2 aayado
    74%

    16Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.

    17Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.

  • 17¶ Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.

  • 15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

  • 20¶ Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan.

  • 29Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 7Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.

  • 9Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa.

  • 7Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.

  • 9¶ Hadduu jiro nin dheg lahu ha maqlo.

  • Mat 25:10-11
    2 aayado
    70%

    10Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay.

    11Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur.

  • 9¶ Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.

  • 3Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood;

  • 3Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.

  • 36Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco.

  • 7Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.

  • 5Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

  • 23Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.

  • 12Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay.

  • 10Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.

  • 2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

  • 18iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.

  • 22Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda.

  • Mat 7:7-8
    2 aayado
    69%

    7¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

    8waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

  • 14Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan.

  • 10Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh,

  • 11Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.