Muujintii 6:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 13:14 : 14 Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.
  • Sak 6:3 : 3 Gaadhifaraska saddexaadna waxaa waday fardo cadcad, gaadhifaraska afraadna waxaa waday fardo barbaro leh oo xoog badan.
  • Muj 9:18 : 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.
  • Yer 15:2-3 : 2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
  • Yer 16:4 : 4 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
  • Yer 16:16 : 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
  • Yer 43:11 : 11 Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.
  • Yex 5:12 : 12 Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
  • Yex 5:15-17 : 15 Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay. 16 Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa, 17 oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
  • Yex 14:13-21 : 13 Wiilka Aadamow, marka dalku xadgudub xun iigu dembaabo, oo aan gacantayda ku soo dul fidiyo, oo aan usha cuntadiisa jebiyo, oo aan abaar ku soo daayo, oo aan dad iyo duunyaba ka dhex gooyo, 14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, xataa haddii saddexdaas nin oo ah Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, xaqnimadooda waxay ku samatabbixin lahaayeen naftooda oo keliya. 15 Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin, 16 xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa. 17 Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo, 18 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa. 19 Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo, 20 xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen. 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Xab 2:5 : 5 Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan.
  • Laaw 26:22-33 : 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna. 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa. 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono. 32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.
  • Maah 5:5 : 5 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
  • Ish 25:8 : 8 Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.
  • Muj 12:4 : 4 Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho.
  • Muj 20:13-14 : 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.
  • Mat 11:23 : 23 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.
  • 1 Kor 15:55 : 55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii?
  • Muj 1:18 : 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
  • Muj 8:7-9 : 7 ¶ Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay. 8 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay; 9 oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey. 10 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa; 11 oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay. 12 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
  • Muj 9:15 : 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 6:1-7
    7 aayado
    86%

    1¶ Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

    2Oo bal eeg, waxaan arkay faras cad oo kii fuushanaana wuxuu haystay qaanso, oo waxaa isaga la siiyey taaj; oo wuxuu soo baxay isagoo guulaysanaya, wuxuuna u soo baxay inuu guulaysto.

    3¶ Oo haddana markii uu furay shaabaddii labaad ayaa waxaan maqlay xayawaankii labaad oo leh, Kaalay oo arag.

    4Markaasaa waxaa soo baxay faras kale oo xamar ah; oo kii fuushanaana waxaa la siiyey amar inuu dunida nabadda ka qaado iyo in dadka midba midka kale dilo; oo waxaa la siiyey seef weyn.

    5¶ Oo haddana markuu shaabadda saddexaad furay ayaa waxaan maqlay xayawaankii saddexaad oo leh, Kaalay oo arag. Oo bal eeg, waxaan arkay faras madow; oo kii fuushanaana wuxuu gacanta ku haystay miisaan.

    6Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.

    7¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.

  • Muj 6:9-12
    4 aayado
    78%

    9¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,

    10oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?

    11Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

    12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

  • Muj 19:18-19
    2 aayado
    75%

    18aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

    19¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

  • 21oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.

  • Sak 6:2-3
    2 aayado
    74%

    2Gaadhifaraska kowaad waxaa waday fardo xamar ah, gaadhifaraska labaadna waxaa waday fardo madmadow.

    3Gaadhifaraska saddexaadna waxaa waday fardo cadcad, gaadhifaraska afraadna waxaa waday fardo barbaro leh oo xoog badan.

  • Sak 6:5-7
    3 aayado
    74%

    5Kolkaasaa malaggii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa samada afarteeda dabaylood, oo ka soo baxa meeshay Sayidka dhulka oo dhan ku hor taagnaayeen.

    6Gaadhifaraskii fardaha madmadow lahaa wuxuu tegayaa xagga dalka woqooyi, oo kuwa cadcaduna iyagay daba gelayaan, oo gaadhifaraskii fardaha barbaraha leh lahaana wuxuu tegayaa xagga dalka koonfureed.

    7Oo kuwii xoogga badnaana way soo bexeen, oo waxay doonayeen inay dhulka hore iyo dibba u dhex maraan, oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo dhulka hore iyo dibba u dhex mara. Oo iyana markaasay dhulkii hore iyo dibba u dhex mareen.

  • Muj 9:15-19
    5 aayado
    73%

    15Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

    16Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.

    17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

    18Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.

    19Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

  • 11¶ Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

  • Muj 9:3-7
    5 aayado
    71%

    3Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.

    4Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.

    5Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

    6Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.

    7Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.

  • Muj 8:7-9
    3 aayado
    71%

    7¶ Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.

    8Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;

    9oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.

  • Muj 19:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

    15Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

  • 12¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.

  • 3iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,

  • 3¶ Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.

  • 20Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.

  • 8¶ Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.

  • 6Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.

  • Muj 13:2-3
    2 aayado
    69%

    2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

    3Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii;

  • 16Bururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.

  • 7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

  • 6Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

  • 15Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka.

  • 7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

  • 6Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.