Muujintii 8:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 9:4 : 4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.
  • Yex 38:22 : 22 Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud.
  • Muj 9:15 : 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.
  • Muj 9:18 : 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.
  • Muj 12:4 : 4 Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho.
  • Muj 8:7-9 : 7 ¶ Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay. 8 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay; 9 oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey. 10 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa; 11 oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay. 12 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
  • Bax 9:23-25 : 23 Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale. 24 Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan. 25 Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.
  • Bax 9:33 : 33 Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.
  • Ish 28:2 : 2 Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.
  • Sak 13:8-9 : 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa. 9 Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
  • Mat 7:25-27 : 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.
  • Yac 1:11 : 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
  • 1 But 1:24 : 24 Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;
  • Muj 6:8 : 8 Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.
  • Ish 29:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
  • Ish 30:30 : 30 Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.
  • Ish 32:19 : 19 Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.
  • Yex 13:10-15 : 10 Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn. 11 Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas. 12 Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen? 13 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya. 14 Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 15 Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.
  • Yash 10:11 : 11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
  • Sab 11:5-6 : 5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay. 6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
  • Sab 18:12-13 : 12 Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen. 13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
  • Sab 78:47-48 : 47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay. 48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.
  • Sab 105:32 : 32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
  • Ish 2:12-13 : 12 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa, 13 iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
  • Ish 10:17-18 : 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba, 18 oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.
  • Yoel 2:30 : 30 Oo waxaan samooyinka iyo dhulkaba ka muujin doonaa yaabab, kuwaasoo ah dhiig, iyo dab, iyo tiirar qiiq ah.
  • Muj 16:2 : 2 ¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
  • Muj 16:21 : 21 Oo waxaa samada ka soo daatay oo dadka ku soo dul daatay roob dhagaxyaale, oo dhagax kastaba miisaankiisu le'eg yahay talanti; markaasaa dadkii waxay Ilaah u caayeen belaayadii roob dhagaxyaalaha aawadeed, maxaa yeelay, belaayadiisu aad bay u weynayd.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 8:8-13
    6 aayado
    86%

    8Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;

    9oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.

    10¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;

    11oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.

    12¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.

    13¶ Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.

  • Muj 8:5-6
    2 aayado
    77%

    5Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.

    6¶ Markaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.

  • Muj 9:17-18
    2 aayado
    76%

    17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

    18Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.

  • Muj 16:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.

    2¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.

    3¶ Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.

    4¶ Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig.

  • 8¶ Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.

  • Muj 9:3-4
    2 aayado
    73%

    3Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.

    4Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.

  • 15Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

  • Muj 7:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Taas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta.

    2Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

    3Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno.

  • 2Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.

  • Muj 14:18-19
    2 aayado
    72%

    18Oo haddana malaa'ig kale oo dabka xukunta ayaa waxay ka soo baxday meeshii allabariga; oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday tii manjada afka badan haysatay iyadoo ku leh, Manjadaada afka badan soo dir, oo waxaad ururisaa canabka dhulka rucubyadiisa; maxaa yeelay, canabkii waa bislaaday.

    19Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.

  • 13¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

  • 1¶ Waxyaalahaas ka dib waxaan arkay malaa'ig kale oo samada ka soo degaysa, waxayna lahayd amar weyn; oo dhulkuna wuxuu la iftiimay dhalaalkeedii.

  • Muj 11:18-19
    2 aayado
    70%

    18Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

    19¶ Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

  • Muj 14:8-10
    3 aayado
    70%

    8¶ Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.

    9¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,

    10isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.

  • 9Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.

  • Muj 16:17-19
    3 aayado
    70%

    17¶ Oo tii toddobaadna waxay fijaankeedii ku shubtay hawada; markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay cod weyn oo ka yimid carshiga xaggiisa, wuxuuna lahaa, Way dhammaatay.

    18Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

    19Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

  • 13oo xiddigihii samaduna waxay ku soo daateen dhulka sida geed berde ahi u tuuro midhihiisa aan bislaan markii dabayl weyni ruxdo.

  • Muj 11:13-14
    2 aayado
    70%

    13Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.

    14¶ Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.

  • 1¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska.

  • 8Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

  • 1¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,

  • 1¶ Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

  • 8Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.

  • Muj 15:7-8
    2 aayado
    68%

    7Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.

    8Markaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.

  • 15Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka soo baxday macbudkii, oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday kii daruurta ku fadhiyey, iyadoo leh, Manjadaada soo dir oo beerta goo; waayo, saacaddii beergooysku way timid; maxaa yeelay, midhihii dhulka oo la gooyn lahaa way bislaadeen.

  • 20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.