Rooma 1:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 15:32 : 32 inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto.
  • Fal 11:23 : 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
  • 1 Tes 3:7-9 : 7 sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis; 8 maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. 9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
  • 2 But 1:1 : 1 ¶ Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • 3 Yoox 1:3-4 : 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid. 4 Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan.
  • Yuud 1:3 : 3 ¶ Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
  • 2 Yoox 1:4 : 4 ¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.
  • 2 Tim 1:4 : 4 Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.
  • Titus 1:4 : 4 waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • Room 15:24 : 24 markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed,
  • 2 Kor 2:1-3 : 1 ¶ Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin. 2 Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee? 3 Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.
  • 2 Kor 7:4-7 : 4 Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiirranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata. 5 ¶ Waayo, markaannu Makedoniya nimid jidhkayagu ma nasan, laakiin wax kasta waannu ku dhibtoonnay. Xagga dibadda waxaa jiray dagaallo, xagga gudahana waxaa jirtay cabsi. 6 Laakiin Ilaaha dhiirigeliya kuwa is-hoosaysiiya ayaa nagu dhiirrigeliyey imaatinka Tiitos; 7 mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiirrigeliyey dhiirrigeliskii aad isaga dhiirrigeliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo caloolxumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay.
  • 2 Kor 7:13 : 13 Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.
  • Ef 4:5 : 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya,
  • 1 Tes 2:17-20 : 17 ¶ Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna; 18 waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday. 19 Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha? 20 Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 1:10-11
    2 aayado
    83%

    10anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.

    11Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;

  • 32inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto.

  • Fil 1:25-27
    3 aayado
    79%

    25Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,

    26in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.

    27¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

  • 1 Tes 3:6-7
    2 aayado
    79%

    6Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno;

    7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;

  • Flm 1:5-8
    4 aayado
    78%

    5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

    6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

    7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.

    8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 13Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan.

  • 77%

    14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.

    15¶ Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;

    16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.

  • Fil 1:7-8
    2 aayado
    77%

    7Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.

    8Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.

  • Fil 2:17-19
    3 aayado
    76%

    17Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,

    18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

    19¶ Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado.

  • 3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 2inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.

  • 2 Kor 1:6-7
    2 aayado
    75%

    6Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.

    7Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.

  • 12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • 5In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.

  • 5Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,

  • 4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.

  • 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

  • 13Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.

  • 2oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,

  • 7mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiirrigeliyey dhiirrigeliskii aad isaga dhiirrigeliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo caloolxumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay.

  • 11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

  • 5wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.

  • 24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.

  • 12¶ In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

  • 16Waan ku faraxsanahay inaan wax walba kalsooni weyn idiinku qabo.

  • 17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 14¶ Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan.

  • 11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.

  • 22Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.

  • 8Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo,

  • 2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

  • 6Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.

  • 19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

  • 4Iimaan weyn ayaan idinku qabaa, oo aad baan idiinku faanaa. Dhiirranaan baa iga buuxda, oo mar kastoo aan dhibaataysan nahayna farxad ayaa aad iiga badata.

  • 13Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.