Rooma 10:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 13:20 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,
  • 1 But 3:18 : 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.
  • 1 But 3:22 : 22 Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
  • Muj 1:18 : 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
  • Room 4:25 : 25 kii loo bixiyey xadgudubkeenna aawadiis oo loo sara kiciyey inuu xaq inaga dhigo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)?

  • Room 10:8-10
    3 aayado
    77%

    8Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno.

    9Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa,

    10waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.

  • Ef 4:8-10
    3 aayado
    76%

    8Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.

    9Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?

    10Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.

  • 9Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.

  • 12Idinka waxaa isaga laydinkula aasay baabtiiska, kaas oo isaga laydinkula soo kiciyey xagga rumaysadka aad u qabtaan xoogga Ilaah oo shaqeeya oo isaga kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 13Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga.

  • 69%

    12¶ Haddii dadka lagu wacdiyey in Masiixa kuwii dhintay laga sara kiciyey, sidee baa qaarkiin u yidhaahdaa, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto?

    13Haddaanay jirin sarakicidda kuwii dhintay, Masiixana lama sara kicin.

  • Room 8:10-11
    2 aayado
    69%

    10Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed.

    11Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.

  • 30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • 29¶ Haddii kale maxay samayn doonaan kuwa loo baabtiisay kuwii dhintay? Haddii aan kuwii dhintay la sara kicinba, maxaa haddana loogu baabtiisaa iyaga?

  • 3Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

  • 9Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do, Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.

  • 17Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.

  • 14Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Kaaga hurdow toos, oo kuwii dhintay ka kac, oo Masiixuna waa ku iftiimin doonaa.

  • 3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

  • 11si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.

  • 14Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.

  • 20Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.

  • 8Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?

  • 16Haddii aan kuwii dhintay la sara kicin, Masiixana lama sara kicin.

  • 14Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin?

  • 24Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?

  • 35¶ Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?

  • 16Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan,

  • 34Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.

  • 8Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?

  • Room 6:7-8
    2 aayado
    67%

    7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.

    8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.

  • 24Waayo, bal yaa gaadhi kara wixii aad u fog ee mool dheer?

  • 2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

  • 13Oo baddana kama uu shisheeyo si aad u tidhaahdaan, Bal yaa badda nooga gudbi doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona, aannu amarkaas yeelnee?

  • 4Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno.

  • 67%

    1¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,

  • 1 But 4:5-6
    2 aayado
    67%

    5Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

    6Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.

  • 6Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.

  • 15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.

  • 24laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise,

  • 30Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.

  • 21idinkoo isaga aawadiis ku ah kuwa rumaysan Ilaaha isaga ka soo sara kiciyey kuwii dhintay oo ammaanay isaga, in rumaysadkiinna iyo rajadiinnu ay Ilaah ku xidhnaadaan aawadeed.

  • 28Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,

  • 10oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.

  • 2Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa?

  • 10Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;