Rooma 11:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 3:9 : 9 ¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.
  • Gal 3:22 : 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.
  • 1 Tim 2:4-6 : 4 Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan. 5 Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah, 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.
  • Room 3:22 : 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.
  • Yoox 1:7 : 7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
  • Yoox 12:32 : 32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    25¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;

    26oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.

    27Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.

    28Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood.

    29Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh.

    30Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda,

    31sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto.

  • 22Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

  • Room 9:14-16
    3 aayado
    73%

    14¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo!

    15Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto, waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo.

    16Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh.

  • 18Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.

  • 33¶ Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo!

  • Room 9:22-24
    3 aayado
    71%

    22Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda,

    23iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,

    24xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena?

  • Room 11:7-8
    2 aayado
    71%

    7Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,

    8sida qoran, Ilaah wuxuu iyaga siiyey maskax hurudda, iyo indho aanay waxba ku arkin, iyo dhego aanay waxba ku maqlin, ilaa maalintatan.

  • 11Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,

  • 71%

    11¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan.

    12Haddaba haddii dhicitinkoodii yahay taajirnimadii dunida, liidnaantoodiina tahay taajirnimadii quruumaha kale, de buuxnaantooduna intee bay sii badin doontaa taajirnimadii?

  • 9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

  • Room 3:22-23
    2 aayado
    70%

    22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

    23Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;

  • 12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.

  • 10Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen.

  • 3Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa?

  • 18Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.

  • Room 2:4-5
    2 aayado
    68%

    4Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?

    5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,

  • 16Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.

  • 29Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena,

  • 19¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato.

  • 18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

  • 13Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 68%

    22Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa.

    23Iyagana haddayan rumaysaddarradoodii ku sii socon, waa lagu tallaali doonaa meeshoodii, waayo, Ilaah waa awoodaa inuu iyaga mar kale ku tallaalo meeshoodii.

  • 11maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.

  • 11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;

  • 32Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.

  • 4Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan.

  • 12Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga.

  • 9iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.

  • 16Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.

  • 26laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.

  • 32In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

  • 30Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;

  • 9Rabbigu kama raago inuu ballankiisa oofiyo sida dadka qaarkiis ku tiriyo inay tahay raagid, laakiinse idinkuu idiin dulqaadanayaa, oo dooni maayo in qofnaba halligmo, laakiinse wuxuu doonayaa in kulli la wada toobadkeeno.

  • 11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.