Rooma 3:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 10:43 : 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
  • Yer 33:16 : 16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
  • Room 1:2 : 2 Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballanqaaday xagga Qorniinka quduuska ah,
  • Room 1:17 : 17 Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.
  • Room 5:19 : 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.
  • Room 16:26 : 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
  • Daan 9:24 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.
  • Ish 45:24-25 : 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan. 25 Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
  • Ish 46:13 : 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
  • Ish 51:8 : 8 Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
  • Ish 61:10 : 10 ¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.
  • Yer 23:5-6 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Sharc 18:15-19 : 15 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan, 16 sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman. 17 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen. 18 Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan. 19 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.
  • Ish 54:17 : 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
  • Luuk 24:44 : 44 ¶ Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
  • Yoox 1:45 : 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf.
  • Yoox 3:14-15 : 14 Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado, 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Yoox 5:46-47 : 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray. 47 Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?
  • Fal 3:21-25 : 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii. 22 Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo. 23 Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono. 24 Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan. 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.
  • Fal 15:11 : 11 Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
  • Fal 26:22 : 22 Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;
  • Fal 28:23 : 23 ¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.
  • 1 Kor 1:30 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
  • 2 Kor 5:21 : 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
  • Gal 3:8 : 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Gal 5:5 : 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
  • Fil 3:9 : 9 oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,
  • Cib 10:1-9 : 1 ¶ Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. 2 Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen. 3 Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo. 4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado. 5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, Laakiin jidh baad ii diyaarisay. 6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn. 7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow. Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran. 8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey. 11 ¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, 12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah; 13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo. 14 Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.
  • Cib 11:4-9 : 4 Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa. 5 Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey. 6 Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona. 7 Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. 8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo. 9 Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin. 13 ¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah. 14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. 15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. 16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo. 17 ¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, 18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay. 20 Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona. 21 Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda. 22 Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa. 23 ¶ Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka. 24 Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon. 25 Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa; 26 isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka. 27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin. 28 Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban. 29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday. 30 ¶ Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay. 32 ¶ Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka. 39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday; 40 waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
  • 1 But 1:10 : 10 Nebiyadii sii sheegay nimcada idiin imanaysa waxay doondooneen oo aad u raadiyeen wax ku saabsan badbaadadaas.
  • 2 But 1:1 : 1 ¶ Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • Room 5:21 : 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 9:30 : 30 ¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;
  • Room 10:3-4 : 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa. 4 Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.
  • Bil 15:6 : 6 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 3:18-20
    3 aayado
    81%

    18Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.

    19¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato.

    20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

  • Gal 3:11-12
    2 aayado
    79%

    11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

    12Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

  • 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • Gal 3:21-24
    4 aayado
    78%

    21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

    22Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

    23¶ Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo.

    24Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.

  • Room 1:17-19
    3 aayado
    77%

    17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

    18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

  • Room 3:24-28
    5 aayado
    77%

    24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

    25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

    26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

    27Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka.

    28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • Room 9:30-31
    2 aayado
    74%

    30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

    31laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin.

  • 39nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.

  • Gal 2:16-17
    2 aayado
    73%

    16ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

    17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • Room 2:12-15
    4 aayado
    73%

    12In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa;

    13waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.

    14Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci.

    15Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,

  • Room 10:3-5
    3 aayado
    73%

    3Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa.

    4Waayo, Masiixu wuxuu mid kasta oo rumaysta u yahay sharciga dhammaadkiisii xagga xaqnimada.

    5¶ Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada.

  • Room 4:5-6
    2 aayado
    73%

    5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

    6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,

  • 15maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.

  • 6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.

  • 26laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.

  • Room 3:9-10
    2 aayado
    71%

    9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

    10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

  • Room 3:30-31
    2 aayado
    71%

    30hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka.

    31De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 21Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn.

  • 21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.

  • Room 8:3-4
    2 aayado
    70%

    3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,

    4in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.

  • 7¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.

  • 69%

    5kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.

  • 3Maxaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 9Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,