Rooma 6:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Tim 1:13 : 13 Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.
  • Room 1:8 : 8 ¶ Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahadnaqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan.
  • Cib 5:9 : 9 oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.
  • 2 Kor 2:14 : 14 Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya.
  • 2 Kor 10:5-6 : 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco, 6 annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
  • Ef 1:16 : 16 ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,
  • Ef 2:5-9 : 5 oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen. 6 Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix, 7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. 8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, 9 laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. 10 Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.
  • Fil 1:3-5 : 3 ¶ Mar kastoo aan idin xusuustaba Ilaahay baan u mahadnaqaa, 4 oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan 5 wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.
  • Kol 1:3-4 : 3 ¶ Waxaannu ku mahadnaqnaa Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, annagoo had iyo goorba idiin soo ducaynayna. 4 Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan,
  • 1 Tes 1:2-3 : 2 ¶ Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahadnaqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna. 3 Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • 1 Tes 3:9 : 9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?
  • 2 Tes 1:3 : 3 ¶ Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa.
  • 1 Taar 29:12-16 : 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta. 13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa. 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay. 15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro. 16 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.
  • Cesr 7:27 : 27 ¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,
  • Sab 18:44 : 44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
  • Mat 11:25-26 : 25 ¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar. 26 Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.
  • Fal 11:18 : 18 Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.
  • Room 15:18 : 18 Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,
  • Room 16:26 : 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
  • 1 Kor 1:4 : 4 ¶ Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahadnaqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed.
  • Cib 11:8 : 8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.
  • 1 But 1:22 : 22 Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • 1 But 3:1 : 1 ¶ Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,
  • 1 But 4:2-5 : 2 si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah. 3 Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah. 4 Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan. 5 Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
  • 1 But 4:17 : 17 Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa?
  • 2 Yoox 1:4 : 4 ¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.
  • 3 Yoox 1:3 : 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid.
  • 2 Tim 1:3-5 : 3 ¶ Waxaan ku mahadnaqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya. 4 Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo. 5 Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro.
  • Flm 1:4 : 4 ¶ Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahadnaqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,
  • Room 2:8 : 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,
  • Titus 3:3-7 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay. 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix; 7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.
  • 1 Kor 6:9-9 : 9 Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11 Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
  • Fal 28:15 : 15 Oo halkaasna walaalihii markii ay maqleen warkayagii, ayay u soo baxeen inay naga hor yimaadaan, oo waxay soo gaadheen tan iyo Suuqa Abbiyus iyo Saddexdii Makhaayadood. Oo Bawlosna markuu arkay iyagii ayuu Ilaah ku mahadnaqay oo sii dhiirranaaday.
  • Room 1:5 : 5 kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan.
  • 1 Tim 1:13-16 : 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 6:18-23
    6 aayado
    83%

    18oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.

    19Sida dadkaan u hadlayaa jidhkiinna itaaldarradiisa aawadeed. Waayo, sidii aad xubnihiinna uga dhigi jirteen addoommadii wasakhnimada iyo dembiga inaad dembi fashaan, sidaas oo kalena haatan xubnihiinna ka dhiga addoommadii xaqnimada quduusnaanta aawadeed.

    20Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor.

    21Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.

    22Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.

    23Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Room 6:11-16
    6 aayado
    82%

    11Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.

    12¶ Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.

    13Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.

    14Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.

    15¶ Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!

    16Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?

  • Gal 4:7-9
    3 aayado
    74%

    7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

    8¶ Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.

    9Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?

  • 6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.

  • 25Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.

  • 13¶ Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.

  • Ef 6:5-7
    3 aayado
    71%

    5¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.

    6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.

    7Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,

  • 23Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.

  • 16¶ Laakiin Ilaah baa mahad leh kan qalbiga Tiitos geliyey dadaalka aan idiin qabno oo kale.

  • Room 6:6-7
    2 aayado
    70%

    6Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga.

    7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.

  • 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

  • 16idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah.

  • Luuk 17:9-10
    2 aayado
    69%

    9Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?

    10Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.

  • 9Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,

  • Kol 3:22-23
    2 aayado
    69%

    22Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.

    23Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,

  • 1 Tim 6:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

    2Kuwii sayidyo rumaysan lahu yaanay quudhsan, maxaa yeelay, waa walaalo; laakiin ha u adeegeen intay quudhsan lahaayeen, maxaa yeelay, kuwa shuqulkooda wanaagsan ka faa'iidaa waa kuwa rumaysan oo la jecel yahay. Dadka waxyaalahan bar oo ku waani.

  • 6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.

  • 57Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 4¶ Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahadnaqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed.

  • 7idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.

  • 13¶ Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta,

  • 68%

    1¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna,

  • 12¶ Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,

  • 11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.

  • 9Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?

  • 19oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.

  • 17Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

  • 17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 6annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.

  • 67%

    8Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,

  • 4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.

  • 9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,