Rooma 8:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 12:10-11 : 10 ¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba. 11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
  • Ish 50:8-9 : 8 Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado. 9 Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
  • Luuk 18:7 : 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
  • Room 8:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
  • Gal 3:8 : 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.
  • 1 Tes 1:4 : 4 Annagu waannu og nahay, walaalaha Ilaah jecel yahayow, in Ilaah idin doortay,
  • Titus 1:1 : 1 ¶ Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
  • Room 3:26 : 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.
  • Ish 54:17 : 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
  • Sak 3:1-4 : 1 ¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo. 2 Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay? 3 Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii. 4 Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan.
  • Mat 24:24 : 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Ayuub 1:9-9 : 9 Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa? 10 Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen. 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.
  • Ayuub 2:4-6 : 4 Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. 5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.
  • Ayuub 22:6-9 : 6 Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay. 7 Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay. 8 Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa. 9 Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey. 10 Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah, 11 Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan. 12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan! 13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa? 14 Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada. 15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen? 16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey. 17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa? 18 Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay. 19 Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan, 20 Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay. 21 Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa. 22 Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli. 23 Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid. 24 Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka, 25 Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan. 26 Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa, Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa. 27 Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay. 28 Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa; Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan. 29 Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona. 30 Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.
  • Ayuub 34:8-9 : 8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya, Oo dadka sharka ah la socda? 9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.
  • Ayuub 42:7-9 : 7 ¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale. 9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
  • Sab 35:11 : 11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
  • Ish 42:1 : 1 ¶ Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
  • 1 But 1:2 : 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 8:34-35
    2 aayado
    82%

    34Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.

    35Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?

  • Room 8:30-32
    3 aayado
    78%

    30Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.

    31¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?

    32Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?

  • Room 3:24-26
    3 aayado
    73%

    24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

    25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

    26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

  • Room 8:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

  • Room 3:4-10
    7 aayado
    72%

    4Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad libaantid markii lagu xukumo.

    5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

    6Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?

    7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

    8Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.

    9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

    10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

  • Room 4:5-8
    4 aayado
    71%

    5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

    6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,

    7Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay.

    8Waxaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn.

  • 14¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo!

  • Room 4:24-25
    2 aayado
    70%

    24laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise,

    25kii loo bixiyey xadgudubkeenna aawadiis oo loo sara kiciyey inuu xaq inaga dhigo.

  • 39nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.

  • Room 5:8-9
    2 aayado
    69%

    8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

    9Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.

  • 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 8Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 16Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh.

  • 10Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix.

  • 30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,

  • 7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?

  • 19¶ Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda?

  • 27Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.

  • 9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,

  • 11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 11Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha,

  • 17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 4Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.

  • 37Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.

  • 5Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.

  • 16Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.

  • 8Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 18Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.

  • 21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.