Ruud 2:10
Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?
Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.
12Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.
13Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
14Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.
15Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina.
1¶ Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.
2Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag.
3Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg.
4Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.
5Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?
6Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab.
7Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane.
8Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.
9Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen.
18Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay.
19Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas.
20Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.
21Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.
22Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.
23Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.
5Oo iyana waxay Nimco ku tidhi, Waxaad tidhi oo dhan waan yeeli doonaa.
6Markaasay tagtay meeshii wax lagu tumi jiray, oo waxay samaysay kulli wixii soddohdeed ku amartay.
7Oo Bocasna markuu wax cunay oo wax cabbay qalbigiisu waa faraxsanaa, oo wuxuu aaday inuu jiifsado meel tuulmo hadhuudh ah ka dambaysa. Markaasay aayar u timid oo cagihiisii bannaysay, oo way jiifsatay.
8Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay.
9Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow.
10Markaasuu wuxuu ku yidhi, Gabadhaydiiyey, Rabbigu ha ku barakeeyo, waayo, roonaan weyn baad i tustay ugu dambaystii, oo ka sii weyn tii markii hore, maxaa yeelay, ma aad raacin rag dhallinyaro ah, faqiir iyo taajir toona.
11Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan.
14Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.
15Oo wuxuu ku yidhi, Garbasaarta korkaaga saaran bal keen, oo hoori, kolkaasay hoorisay; markaasuu wuxuu ugu miisay lix koombo oo shaciir ah, wuuna u saaray; oo isna magaaladuu galay.
16Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.
17Oo waxay tidhi, Lixdatan koombo oo shaciirka ah isagii baa i soo siiyey, waayo, wuxuu igu yidhi, Adoo faro madhan soddohdaa ha u tegin.
1¶ Oo markaasaa Nimco oo ahayd soddohdeed ayaa waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, miyaanan nasasho kuu doonayn inay ku wanaagsanaato?
2Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.
3Haddaba maydho, oo subko, oo dharkaagana xidho, oo waxaad tagtaa meesha wax lagu tumayo; laakiinse ninka ha istusin ilaa uu dhammaysto waxa uu cunayo oo cabbayo.
9Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen.
10Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.
48Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.
18Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.
4Oo naagtii reer Teqooca markay boqorkii la hadashay ayay dhulka wejiga saartay oo u sujuudday, oo waxay ku tidhi, Boqorow, i caawi.
22Kolkaasaa Yoo'aab dhulka wejiga saaray, oo sujuuday, oo boqorkii u duceeyey; wuxuuna Yoo'aab yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maanta anoo addoonkaaga ah waan ogahay inaan raallinimo kaa helay, waayo, boqorow, waad ii yeeshay wixii aan ku weyddiistay, anoo addoonkaaga ah.
6¶ Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.
7Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah.
15Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal.
3oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.
14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.
19Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.
41Markaasay kacday oo intay sujuudday ayay wejigeeda dhulka saartay, oo waxay tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah waxaan ahay midiidin cagaha u maydha addoommada sayidkayga.
17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.
14Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado.
11Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow.