1¶ Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.
2Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag.
3Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg.
4Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.
5Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?
6Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab.
7Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane.
8Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.
9Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen.
10Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?
11Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.
12Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.
13Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
14Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.
15Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina.
16Oo weliba xidhmooyinkana qaar uga soo siiba oo u daaya, ha xaabxaabtee, oo hana dagaalina.
17Sidaas daraaddeed waxay beertii xaabxaabaysay ilaa fiidkii, oo way tuntay wixii ay soo xaabxaabtay, oo waxay u noqotay in ku dhow eefaah shaciir ah.
18Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay.