Sakaryaah 13:5
Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay.
Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
6Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
7¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
3Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
4Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.
14Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada,
15oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.
16Haddaba bal maqal erayga Rabbiga. Adigu waxaad leedahay, Wax dadka Israa'iil ka gees ah ha sii sheegin, oo wax reer Isxaaq ka gees ahna ha ku hadlin.
7Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.
13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.
14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.
15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.
11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
5Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.
15¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Haddana mar kale waxaad qaadataa adhijir nacas ah alaabtiis.
16Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
18Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:
3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.
7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
7Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?
17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,
12Rabbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.
13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
4¶ Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.
6¶ Waxay iyagu ku yidhaahdaan, Waxba ha sii sheegina. Iyagu kuwan waxba uma sii sheegi doonaan. Oo hadallo cay ah kama dhammaan doonaan.
5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
1¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.
6Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, anigu ma aan hadli karo, waayo, dhallinyaraan ahay.
11Nin dabayl iyo khiyaano ku dhex socda hadduu been sheego oo yidhaahdo, Waxaan wax kaaga sii sheegayaa khamri iyo wax lagu sakhraamo, xataa kaasu nebi buu dadkan u noqon doonaa.
10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.
9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
2Wiilka Aadamow, adhijirrada reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg. Wax ka sii sheeg, oo waxaad adhijirrada ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada reer binu Israa'iil oo iyagu isquudiya! Miyaanay adhijirrada ku habboonayn inay adhiga daajiyaan?
16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.
25Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.
16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.
5Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
6Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.
4Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
5Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
19Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,
8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin.
15Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho.
16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
11Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
5Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.
8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
16Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
35Oo adhijirradu meel ay ku cararaan ma ay heli doonaan, oo adhiga madaxdiisuna meel ay ku baxsadaan ma ay heli doonaan.