Sakaryaah 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 4:5 : 5 Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.
  • Muj 1:12 : 12 ¶ Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah.
  • Yer 52:19 : 19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
  • Sak 5:2 : 2 Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.
  • Mat 5:14-16 : 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
  • Muj 1:20-2:1 : 20 Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood. 1 ¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
  • Bax 25:31-38 : 31 ¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan. 32 Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin. 33 Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan. 34 Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii; 35 iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan. 36 Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 37 Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan. 38 Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan.
  • Bax 37:17-24 : 17 ¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen. 18 Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen. 19 Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen. 20 Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii, 21 oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen. 22 ¶ Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 23 Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba. 24 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.
  • Bax 40:24-25 : 24 Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed. 25 Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • 1 Boq 7:49-50 : 49 iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa; 50 iyo koobabkii, iyo alaabta laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadii ee dahabka saafiga ah wada ahaa, iyo birihii albaabbada guriga hoose ee ah meesha ugu wada quduusan iyo guriga macbudka ah albaabbadiisa oo dhan ee dahabka wada ah.
  • 1 Taar 28:15 : 15 iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,
  • 2 Taar 4:7 : 7 Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda.
  • 2 Taar 4:20-22 : 20 iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, 21 iyo ubaxyadii, iyo laambadihii, iyo birqaabyadii dahabka ahaa, oo dhammaantood wuxuu ka sameeyey dahab aad saafi u ah. 22 Oo alaabtii laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadiiba wuxuu ka wada sameeyey dahab saafi ah; oo meeshii guriga laga soo geli jirayna, taas oo ahayd meesha quduuska ah albaabbadeedii hoose, iyo albaabbadii guriga macbudka ahba waxay wada ahaayeen dahab.
  • 2 Taar 13:11 : 11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.
  • Yer 1:11-13 : 11 ¶ Oo weliba eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh, Yeremyaahow, bal maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa ul yicib ah. 12 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Si fiican baad wax u aragtay, waayo, eraygaygaan ka fiirsadaa si aan u oofiyo. 13 Oo haddana mar labaad ayuu eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa dheri karaya, oo wuxuu ka soo jeedaa xagga woqooyi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 4:3-5
    3 aayado
    87%

    3Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix.

    4Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

    5Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 1¶ Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.

  • Sak 4:11-14
    4 aayado
    83%

    11Markaasaan jawaabay, oo waxaan isagii ku idhi, Waa maxay labadan geed oo saytuunka ah oo ku yaal laambadda dhankeeda midig iyo dhankeeda bidixba?

    12Oo haddana mar labaad baan jawaabay oo waxaan ku idhi, Waa maxay labadan laamood oo saytuunka ah oo ku ag yaal labada tuubbo oo dahabka ah oo saliidda dahabka ah iska madhiya?

    13Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

    14Oo isna kolkaasuu igu yidhi, Kuwanu waa labada la subkay oo ag istaaga Sayidka dhulka oo dhan.

  • Muj 1:12-13
    2 aayado
    81%

    12¶ Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah.

    13Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah.

  • Bax 37:17-23
    7 aayado
    77%

    17¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

    18Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.

    19Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.

    20Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,

    21oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

    22¶ Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

    23Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.

  • 4Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka.

  • Bax 25:31-37
    7 aayado
    76%

    31¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.

    32Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin.

    33Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan.

    34Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii;

    35iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan.

    36Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

    37Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

  • 20Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.

  • 4Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.

  • Sak 5:5-6
    2 aayado
    74%

    5¶ Markaasaa malaggii ila hadlay soo baxay, oo wuxuu igu yidhi, Bal hadda indhaha kor u taag, oo bal arag waxa uu yahay waxan soo baxaya.

    6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

  • 37iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

  • 2Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda.

  • 20iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa,

  • 9Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.

  • 27Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.

  • 2Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.

  • 5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • 7Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda.

  • 5Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.

  • 1¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

  • 49iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;

  • 14iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

  • 2Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.

  • 6¶ Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.

  • 4Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 3Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.

  • 2Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.

  • 4Markaasaan jawaabay oo waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

  • 11¶ Oo weliba eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh, Yeremyaahow, bal maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa ul yicib ah.

  • 13Oo haddana mar labaad ayuu eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa dheri karaya, oo wuxuu ka soo jeedaa xagga woqooyi.