Tirintii 8:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:9 : 9 Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan.
  • Bax 25:18 : 18 Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.
  • Bax 25:31-40 : 31 ¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan. 32 Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin. 33 Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan. 34 Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii; 35 iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan. 36 Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 37 Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan. 38 Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan. 39 Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa. 40 Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.
  • Bax 37:17-24 : 17 ¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen. 18 Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen. 19 Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen. 20 Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii, 21 oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen. 22 ¶ Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah. 23 Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba. 24 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.
  • 1 Taar 28:11-19 : 11 ¶ Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka. 12 Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa, 13 iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan, 14 iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, 15 iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa, 16 iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah, 17 iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda, 18 iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga. 19 Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan.
  • Cib 8:5 : 5 kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.
  • Cib 9:23 : 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.
  • Bax 37:7 : 7 Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 37:17-24
    8 aayado
    87%

    17¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

    18Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.

    19Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.

    20Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,

    21oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

    22¶ Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

    23Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.

    24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

  • Bax 25:31-40
    10 aayado
    86%

    31¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.

    32Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin.

    33Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan.

    34Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii;

    35iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan.

    36Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

    37Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

    38Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan.

    39Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa.

    40Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.

  • Tir 8:1-3
    3 aayado
    85%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

    2Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda.

    3Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 81%

    20iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa,

    21iyo ubaxyadii, iyo laambadihii, iyo birqaabyadii dahabka ahaa, oo dhammaantood wuxuu ka sameeyey dahab aad saafi u ah.

    22Oo alaabtii laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadiiba wuxuu ka wada sameeyey dahab saafi ah; oo meeshii guriga laga soo geli jirayna, taas oo ahayd meesha quduuska ah albaabbadeedii hoose, iyo albaabbadii guriga macbudka ahba waxay wada ahaayeen dahab.

  • 7Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda.

  • 14iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

  • 15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,

  • 37iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

  • Bax 40:24-25
    2 aayado
    77%

    24Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

    25Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 4Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 4Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

  • 8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

  • 49iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;

  • 2Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.

  • 9Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan.

  • 28Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • Laaw 24:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 20¶ Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.

  • 36Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

  • 18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.

  • 27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

  • 4Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

  • 5kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.

  • 24Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.